Wellcome timojilic Online


home
beerqaad
beerqaad
kareena kapoor
mahmahyo
actrss and actr india
heesaha
Aishwarya
amisha patel
sugaan
waa maxay jacayl?
jacayl
ila qosol

edmubaarik wa antum bi khayr

walaal ku soo dhawaada ebkan

 

Ogaysiis Inta Xiiseysa  Martida Na Soo Booqata waxaan Ku Boorinaynaa in Ay Suugaanta aan soo Bandhigno Duubtaan ama Urursadaan  Oo Ay Xasuustaan  Roobku In aanu Markasta Di'in Waxii Su'aal ah aad Hibanayso kala soo xidhiidh Maamuulka   timojilic11@hotmail.com$ dajiye85@hotmail.com     mahadsanii diin

 

    

 

Gabadhaan aa aa jeclaayeey ee ee
Haduu jacaylku lacag yhay
Jawharad iyo luul yahay
***********************
Jawaab xuniin adoon odhan
Jawaab xuna adoon odhan
Jidka haday ku orodo ooo
Jidhku siduu ku noqon
*********************
Ruuxaad jeclaatayo
oo beer jilic lahyn
Jini kaamo celiyee
haday laabtu kaa jeedo
laab jiifto ilayn jab kuumalaamnee:

 
Dumarkiyo ragoo idil  

Dumarkiyo ragoo idil
haddii lay isku soo daroo
qofba dookhii meel dhigo ee
duurka iyo kaymahaa
haddii roob ku wada da'o
dusha laac ka wada maro
duunyadaad dhaqaysanaa
neefba doobi loo culayey
ruux jacayl damqaayana
maal laguma dagi karo
dadkoo dhami ha weriyeen
*** *** ***
Dadkoo dhami ha weriyeen
dareenkaygu inuu yahay
naftu kay la duubnayd
DARIN INAAN LA JIIFSADO
*** *** ***
Dumarkaba dhamaantood
dadku waxay u haystaan
inay duunyo raadshaan e
haddii daaro fooq liyoo
dukaamaad la ii dhigo
kuma dawoobo caashaquyee
anna dihashadaydii
damac duunyo ima galinay
jacayl baa daashaday
inkastoo la doodee
dadkoo dhami ha weriyeen
*** *** ***
Dadkoo dhami ha weriyeen
dareenkaygu inuu yahay
naftu kay la duubnayd
neefoowkaniini iney la jiifsato

 

Deeyaay damac wanaageey

Deeyaay damac wanaageey
Xageen kaa dayaayeey
Deqaay damac wanageey
Xageen kaa dayaayeey

Deeqaay damac wanaageey
Dadkaba taan ka doortaay
Danbiga taan lahayneey

Kuma dayn karaayee
Xagaan kaa dayaayeey
Deeqaay damac wanaageey
Xagaan kaa dayaayeey

Deeqaay damac wanaageey
Xagaan kaa dayaayeey
Dadkoo seexday duuroo
Dayaxaa eegay dunidee


Kuma dayn karaayee
Xagaan kaa dayaayeey
Deeqaay damac wanaageey
Xagaan kaa dayaayeey

Deeqaay damac wanaageey
Xagaan kaa dayaayeey
Danbiga tii dawaysaay
Adigaay damqaayee


Kuma dayn karaayee
Xageen kaa dayaayeey
Deeqaay damac wanaageey
Xagaan kaa dayaayeey


Deeqaay damac wanaageey
Xagaan kaa dayaayeey


sidii dalkeenoo diraacdu haysoo ama dhul dooglaad qalbiga deeqdee dareenka caashaqa anuu i dilayaa dahab la moodyeey dumar filkaagiyo adaa u door roon hablaha reeraha e dahab la moodyeey dumar filkaagiyo adaa u door roon hablaha degaanka dahab la moodyeey sidii dabiibkiyo dubaaqii diintaad nafta daweysaa indhuhu deymada miyey ka daalaan hadaaney daawan hurdada doonaan alaha ha daayee dookheyga weeyaan dahab la moodyeey dumar filkaagiyo adaa u door roon hablaha reeraha e dahab la moodyeey dumar filkaagiyo adaa u door roon hablaha dalkeena dahab la moodyeey dalkeenii hooyiyo adaa ku wacan daallo naftaad daweysaa markey daruuruhu dhibica daadshaan ee ay darooraan dayaxna muuqan ayaad dhulkoo dama adigu daartaa dahab la moodyeey dumar filkaagiyo adaa u door roon hablaha reeraha e dahab la moodyeey dumar filkaagiyo adaa u door roon hablaha degaanka dahab la moodyeey anoon ku dooniniyo ayaan la iga kaa dilin sidii daryaamaaha naftaad daweysaa  

Wedding Congratulations !Hearty Congrats !

hi5

anoo baahidaaydiyo
bukaan saasa aan qabin
kaalama bakhayleen
howshaan kula bogan lahaa

adigoo bukaan iyo
balo saasa aadan qabin
baahidaydu darantahay
balowgaygu sahalyahay
basan baaska waxyahagu
macnaheedu burur yahay
beero jano bilicdooda
maraytahay bari samaad
bilig hilaac mid lamoodo
dumar badan bartankooda
basar basar kuma baran
xubna badan badan keeda
kuma qaban boga sare
qof haraadan biyo kama cabo
bali maran oona kama baxo
wax labeegto baryaheenaan
bashaal dumar inuu yahay
kama baqin
ma ilaawin baridaada
xaada daadsan bowdyahaaga
akama tagin baryadaada
waayo waayo baranayee
kaalay bilnee waayo cusub

anoo baahidaadiyo
bukaan saasa aan qabin
kalama bakhayleen
howshaan kula bogan lahaa

anigoo bulaan iyo
muran baahsan anangalin
howsha aanay bixin karin
kaba tagay boogaheeda
xubintii aan boobana
gacantaydu baraftahay
barashadu waxay tahay
wax labeero soomanoqon
dhul barwaaqo naqu baxay
qurux baahsan mid lasiiyay
afka baasheen uma galin
waxaan baarto naasaheeda
uma dhicin boqonkeeda
qof haraadan biyo kama cabo
bali maran oona kama baxo
waxa labeegto baryaheenaan
bashaal dumar inuu yahay
kama baqin
ma ilaawin baridaada
xaada daadsan bowdyahaaga
kama tagin baryadaada
waayo waayo baranayee
kalay bilnee waayo cusub

anoo bahidaadiyo
bukaan saasa aan qabin
kalama bakhayleen
howshaan kula bogan lahaa


samirkiyo dulqaadkuba
waa sad lagu ducaystee
saatir laga baryaana
lama wada sinaadee
ruuxuu eebe siiyaana
cidi kama saraysee
kii aan sugaayayoo
wacadkii ma saydhine
waan sidaa

sareediyo ladnaantuba
waa saami qayboo
mawluhu ku siiyaa
anna maan saluugine
saadaal wacnaataan
sacabada u tumayaa
kii aan sugaayayoo
wacadkii ma saydhine
waan sidaa

Red RosesBlessings Of Easter...
ma dhabaa jacayl mise waa dhalan teed?


 


waxaa qoray ms duaale wel com

ma dhabaa jacayl mise waa dhalan teed?

Say_It_With_Flowers...

 

adaa hurdada iigu yimi
habeenkii ila hadloo
riyada iigu heesayoo
hawaawir iigu dishee

adaa!! hanaqa ii fadhiya
halbawlaha dhiiga nuugayoo
hawadii waad iga xidhee
hablaha waa loo naxaayee
maxaad ii huruufaysaa


 

adaa i hortaagan ani
hadhkaagaan weheshadaa
markaan haabtona ma helo
halkeebaad iga jirtaa

adaa!! hanaqa ii fadhiya
halbawlaha dhiiga nuugayoo
hawadii waad iga xidhee
hablaha waa loo naxaayee
maxaad ii huruufaysaa

Kuwa loogu magac daraye
muuqa aan lakala garan
heesaha macaaniyo
musigiyo codkay delay
marka aan ilaawaba
wax isoo mirkiciyoo
maqla waayi maaye
mahayoo mana sugaayoo
imana maqnee
maareeyoo sideebuu
cishqigu maskaxdiyo
qalbiga uga miirmayaa
 

Waa hees magaceeda ka wadata riwaayad la yidhaahdo "Eed Hooyo Laga Galay" oo aan qorey Sagaal iyo Toddobaatankii. Riwaayaddaasu waxay ku socotay inan yar oo da'deedu tahay 18 sano.Waa inan sabool ah oo aad u qurux badan.Islaan aan ubad kale lahayn ayaa ku indha-kuulata.Waxa xiloodinaya boqolaal doob oo guur iyo gaabsiba ka raba.Hebel bay diidaysaa;oo hebel kale ayey diidaysaa.... marka dambe ayey mid u soo joogsanaysaa ay is-leedahay malaha kanaa ah kii aad ku degi lahayd.Wuxuu been ku maaweeliyaba,aakhirka ayuu lingaxa ka goynayaa oo ay uuraysanaysaa.Waxay dabeed ka codsanaysaa inuu asturo.Isna wuu ku gacan- saydhayaa.Markaasay ereyada soo socda ku calaacalaysaa:

Obocdayda wadhaneey!
Adhaxdayda liicdaay!
Arrinkayga laalmoow!
Taladaan il-duufaay!

Axdigaan rumaystiyo
Ma arraday jacaylkii?
Ma engegay darkiisii?
Ma af-beelay xiisii?
Ma ajowday laagtii?
Ma abaaday geedkaan
Ubaxiisa guran laa?


Afar-qaadki socodkiyo
Ma eersaday wareeggii?


Orgigii la naaxshee
Adhi-raacda dhaqataa
Ku asqaysay heestee,
Naxariis ujeeddo leh
Aaminee run moodee,

Ayaantii la gawracay
Is ogaaday baan ahay.
Umal yuururaan ahay.
Cudur igu unkamay baa
Iniintiisi biqishoo,

Ayax beri i soo maray
Eel uu ka tegey baa
Uurkayga jiifoo;

Aramaa i huruddoo;
Anigoo arkaayaan
Axankayga daaqoo;


Macaan-jeceshi oon sun ah
Loo ursiiyey malabkee
Ku idlaatay baan ahay.
Iintii dadkaan ahay.

Caku inan-rageedaw!
Waxa igadh ka beermaa
Aarankiisa weeyee,
Ooryihiini kici laa
Aarankaad ku dubateen.
Urugada i haysiyo

Agoonkaa sidkii go'ay
Aanadiina weeyaan.
Ab-tirsiimadiisuna
Utun gaaxsan weeyoo,

Uurkaygu waa godob
Eed hooyo laga galay.

waxaa tiriyay sugaantan abwaanka wayn ee layiraahdo Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”

Ergaduu farriintiyo

Ku adkekeyey heestee
Egmadaanu kulanoo
Looxii ilhaankaamkaan
Sida uurku baalaha
Indhahayga saaroo
Warku waa ammaanee
Adna Maxamed Moogow
Aakhiro halkay tahay
Cabdi Qays ogeysii

Ayaadaha Qur'aankiyo
Araxmaan sidey tidhi
Hadalkii Illaahay
Ruuxuu Islaamii
Sida uu aqoonsaday

Waa ooman hawdoo
Waa guri abeesoo
Adeg weeye hoosoo
Abataq ku yaaloo
Waa iil madow oo
Rabbigay adoomaha
Kaga aar gutaayoo
Waxa laga arooraa
Irridaha xabaashoo
Anban maayo ruuxii
Qabri lagu adkeeyaa

Marna oogadeeniyo
Waa oosha guudkoo
Waa beer udgoon iyo
Duni wada ilaysoo
Waa ceel irmaan iyo
Togag wada ordaayiyo
Ilo wada xareedoo
Lagu oon baxaayoo
Naftu eegmo sugashada
Ashqaraar ka qaadoo
Toddobaatan ooryood
Lala aqal galaayoo
Rabbigay addoomaha
Ku abaal marshaayoo
Dhibta lagu ilaawaa

Afhayaha barbaartow
Ababshaha dhallaankow
Taliyaha abwaankow
Aabaha jacaylkow
Adigaan ogeyn baan
Uurkaaga baadhoo
Ula jeeddadaadaan
Ka arkaa dhul dheeroo
Arrintaadu Qaysow
Af gobaadsi weeyee

Aakhiro Cabdow
Way

aasan tahay
Iilkay jirtaa
Aakhiro Cabdow
Anbatoo luntoo
Ururkiyo laxaa
Awrkii cirkay


Ku ag-xidhantahee
Dadku yuu ku eedayn
Ha dhex gelin ammuuraha
Isha xidho afkana dhawr
Arag maqal warkana ood.

daawo jacayladan

Luck_O'_The_Irish_Got_Me_U...

daawo labadan qof oo is jecel inuu jacaylku yahay  nuurka aduun yadaa  waa gabar  iyo wiil ad  isuu jecel waxaad ku ogan karta  jacayl ka dhab ta ah sidaas oo  kale



daawo

You..._My_Lucky_Charm_!

halkan ka daawo kuwii labad2  jacayl ka dhab ta ah

 

Wii adiga kuu daran ninka aay damqeeysee Hadalkoon I deeqsiin kaa duraamanaayaa Isagoon dareen qabin hadii laydin kala dilo Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye Ayaan daadku kula tegin Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye Ayaan daadku kula tegin Waan daalayee Waan daalayee Waan daalayee Waan daalayee Ha ii darraan Nabsi lama daraasado isagoo dibadahaa yaale Dukaan lagama iibsado sidiii sheey markaa dihane Waa laga danbeeyaa intaanu daaqad kaa furane Adigaa ku daabacan dubaaqa iyo laabtee Hadaan diiday ruux kale inuu dabin iigu daro Oo aniga oo dareen qabin hadba leeygu kaa diro Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye Ayaan daadku kula tegin Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye Ayaan daadku kula tegin Waan daalayee Waan daalayee Waan daalayee Waan daalayee Ha ii daraan Nabar dooga ahaa baa qoloftii ka diirtoo Damqadaye xanuunkaba waxaa iga sii daran Anigoo dareen qabin hadii leeyna kala dilo Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye Ayaan daadku kula tegin Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye Ayaan daadku kula tegin Waan daalayee Waan daalayee Waan daalayee Waan daalayee Ha ii daraan ax
hi5 backgrounds
hi5 comments

Xabad yahey waxaad tahey
Xulashada haweenkoo
Xaqiiqdii mid kula mid ah
Wali lama xanbaarine


Xuural cayn la moodyeey
Xaragada u dhalataay

Gacmahaaga xaada leh
Markaan soo xusuustaba
Xadantoodayee

Xidigyahey an maa nool
Talo iga xanibantee
Xidigyahey an maa nool
Xabaal baan dul aalaa.

Xishoodka iyo edebtaba
Midi loo xanbaarshaay
Xidigyahey dhankeeygii
Xididaad ku leedee
Xuural ceyn la moodyeey
Xaragada udhalataay

Gacmahaaga xaadaleh
Markaan soo xasuustaba
Xadantooday yeey

Xidigyahey an maa nool
Talo iga xanibantee
Xidigyahey an maa nool
Xabaal baan dul aalaa

Ku xayndaaban inanyahey
Caashaqu xageeygee
Adna xadhiga ila qabo
Xaqbaan kuugu yeeshee

Xuural ceyn la moodyeey
Xaragada udhalataay

Gacmahaaga xaada leh
Markaan soo xusuustaba
Xadantoodayee

Xidig yahey an maa nool
Talo iga xanibantee
Xidigyahey an maa noo
Xabaal baan dul aalaa

Caashaqu sarbeeb ma leh
Sakat iyo xishood ma leh
Waan soo socdaa iyo
Isug iyo i dhowr ma leh
Sagaashan buu jiraa iyo
Siddeed dhal iyo ugub ma leh
Hadba tii uu sahansaduu
Sanka kaaga tolayaa!

----'---,-'--<@


Sargooyadii Maryama leey
Saylici suuraddeed leey
Soojeed Saado Cali leey
Sanqaroor Khadraaleey
Sunniyaal Hibaaleey
Indhihii Sacdiya leey
Sahra Mire afkeed leey
Tima Saynab Cali leey
Sakaarkii Guduudiyo
Shamso Cumar gacmaheed leey
Siijeedkii Nakruumiyo
Salkii Saynab Cige leey
Xakiimo saymaheedii leey
Kubka siman Dalays leey
Sabarkii Maandeeq leey
Ciyaartii Safiya leey
Sowtkii Magool leey
Saxansaxa Wanaag leey
Soomaalinimadiyo
ku sifayn waddaninimo
Sahriyo Faadumo leey
Dabeecadduna waa sede
Qamar iyo sidii marwadii
Cadar lagu sifeeyaay
Ninka calafku siiyow
Samadana aad geyside
La socoo kamaan hadhin!
Hadday siddeetan gaadhiyo
Ilkaheedu siibmaan
Sannad tiro ugama tago!

  

Markuu seexday aadmiguu iyadoo ilays jiri
    aqalkuna madowyahay araweelo ii timid
    kaca oo eeg sow imay odhan ubaxaan dugsiiga dhigay
    niyadan ka oogsaday markaan furay albaabkii
    awrkii cirkaan xalay arkay oon ku mooday
    mudo ku ag wareege ugubnimo xishoodle
    il nugayl la waabte afka kama cadayn karo
    ergana uma darin kare caashaqu ogaysiis ma leeyahay

love.gif


\