Obocdayda wadhaneey!
Adhaxdayda liicdaay!
Arrinkayga
laalmoow!
Taladaan il-duufaay!
Axdigaan rumaystiyo
Ma arraday jacaylkii?
Ma engegay
darkiisii?
Ma af-beelay xiisii?
Ma ajowday laagtii?
Ma abaaday geedkaan
Ubaxiisa guran laa?
Afar-qaadki socodkiyo
Ma eersaday wareeggii?
Orgigii la naaxshee
Adhi-raacda dhaqataa
Ku asqaysay
heestee,
Naxariis ujeeddo leh
Aaminee run moodee,
Ayaantii la gawracay
Is ogaaday baan ahay.
Umal yuururaan
ahay.
Cudur igu unkamay baa
Iniintiisi biqishoo,
Ayax beri i soo maray
Eel uu ka tegey baa
Uurkayga jiifoo;
Aramaa i huruddoo;
Anigoo arkaayaan
Axankayga daaqoo;
Macaan-jeceshi oon sun ah
Loo ursiiyey malabkee
Ku
idlaatay baan ahay.
Iintii dadkaan ahay.
Caku inan-rageedaw!
Waxa igadh ka beermaa
Aarankiisa
weeyee,
Ooryihiini kici laa
Aarankaad ku dubateen.
Urugada i haysiyo
Agoonkaa sidkii go'ay
Aanadiina weeyaan.
Ab-tirsiimadiisuna
Utun gaaxsan weeyoo,
Uurkaygu waa godob
Eed hooyo laga galay.


waxaa tiriyay sugaantan abwaanka wayn ee layiraahdo
Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”
Ergaduu farriintiyo
Ku adkekeyey heestee
Egmadaanu kulanoo
Looxii ilhaankaamkaan
Sida uurku baalaha
Indhahayga saaroo
Warku
waa ammaanee
Adna Maxamed Moogow
Aakhiro halkay tahay
Cabdi Qays ogeysii
Ayaadaha Qur'aankiyo
Araxmaan sidey tidhi
Hadalkii Illaahay
Ruuxuu Islaamii
Sida uu aqoonsaday
Waa ooman hawdoo
Waa guri abeesoo
Adeg weeye hoosoo
Abataq ku yaaloo
Waa iil madow oo
Rabbigay adoomaha
Kaga
aar gutaayoo
Waxa laga arooraa
Irridaha xabaashoo
Anban maayo ruuxii
Qabri lagu adkeeyaa
Marna oogadeeniyo
Waa oosha guudkoo
Waa beer udgoon iyo
Duni wada ilaysoo
Waa ceel irmaan iyo
Togag
wada ordaayiyo
Ilo wada xareedoo
Lagu oon baxaayoo
Naftu eegmo sugashada
Ashqaraar ka qaadoo
Toddobaatan ooryood
Lala
aqal galaayoo
Rabbigay addoomaha
Ku abaal marshaayoo
Dhibta lagu ilaawaa
Afhayaha barbaartow
Ababshaha dhallaankow
Taliyaha abwaankow
Aabaha jacaylkow
Adigaan ogeyn baan
Uurkaaga
baadhoo
Ula jeeddadaadaan
Ka arkaa dhul dheeroo
Arrintaadu Qaysow
Af gobaadsi weeyee
Aakhiro Cabdow
Way
aasan tahay
Iilkay
jirtaa
Aakhiro Cabdow
Anbatoo luntoo
Ururkiyo laxaa
Awrkii cirkay