Obocdayda wadhaneey!
Adhaxdayda liicdaay!
Arrinkayga
laalmoow!
Taladaan il-duufaay!
Axdigaan rumaystiyo
Ma arraday jacaylkii?
Ma engegay
darkiisii?
Ma af-beelay xiisii?
Ma ajowday laagtii?
Ma abaaday geedkaan
Ubaxiisa guran laa?
Afar-qaadki socodkiyo
Ma eersaday wareeggii?
Orgigii la naaxshee
Adhi-raacda dhaqataa
Ku asqaysay
heestee,
Naxariis ujeeddo leh
Aaminee run moodee,
Ayaantii la gawracay
Is ogaaday baan ahay.
Umal yuururaan
ahay.
Cudur igu unkamay baa
Iniintiisi biqishoo,
Ayax beri i soo maray
Eel uu ka tegey baa
Uurkayga
jiifoo;
Aramaa i huruddoo;
Anigoo arkaayaan
Axankayga daaqoo;
Macaan-jeceshi oon sun ah
Loo ursiiyey malabkee
Ku
idlaatay baan ahay.
Iintii dadkaan ahay.
Caku inan-rageedaw!
Waxa igadh ka beermaa
Aarankiisa
weeyee,
Ooryihiini kici laa
Aarankaad ku dubateen.
Urugada i haysiyo
Agoonkaa sidkii go'ay
Aanadiina weeyaan.
Ab-tirsiimadiisuna
Utun gaaxsan weeyoo,
Uurkaygu waa godob
Eed hooyo laga galay.


kuma dayn karaayo
Aniga oo ah abwaan
ducaale cabdisamed axmed gabaygaan jaceylka ah waxaan u tiriyay gabar soomaaliyeed
oo lagu magacaabo Dowlo.
Dal waqooyi daafeed
Wanliyo da iyo meel dheerba
hara lagu dabaashiyo
illaa Dabare loo gaaro
burka Dugule
daaraha Burciyo harafka Dooyaale
degmo iima laabnee
ilaa daaqil Xamar-weyne
waxaan gabar
daruur u eg arkiyo dooran cid u joogta
oo daaman shuban
ood ilkaha dahab u moodeysid
mid waxaan darduuree
mid kale sii dabariyaaba
dardar waxaan
ku dhaafiyo waxaan dumar liidaaba
degdeg waxaan
ku helo taan hablaha hadal ka doonaaba
warkaagaan ka
doorbiday waxaan daadahyn jiraye
daqiiqado adoo
illa hadlaan dunida siistaaye
kuma dayn karaayoo
naftaad daawadeed tahaye
degennida tilaabada
ximnaha dabacsanaantooda
doodka sabarka
daankiyo wajiga timaha siidaysan
daymadaada baa
iiga wacan dunida haafkeede
adigaa jacayl
daran qalbiga iiga daabacaye
adigey ku doonaan
indhuhu kuna daneeyaane
waxaa timaha
deeystoo ku nool dunida guudkeeda
ama dumar qorxoon
adigabaan kaa dalbanayaaye
daqiiqado adoo
illa hadlaan dunida siistaaye
kuma
deen karaayoo naftaad daawadeed tahaye
duruufaha jaceylkaa
wadnuhu ila dikaamaaye
seymahoo da aabaa
wajiga dhidid ka duulaaye
dad weynahoo
I wada eegayaan mar isla doodaaye
dib markaan mashquuley
ilmadu iga dareertaaye
sida dowro geel
oo dhashaan kugu dul meeraaye
sida madi dal
dheer aadayaan kula dardaarmaaye
hadaan malaga
kuu diidikaro laguma duugeene
daqiiqado adoo
illa hadlaan dunida siistaaye
kuma deenkaraayoo
naftaad daawadeed tahaye
diirad ii iftiintaa
tahoon iga dahsoomeeyne
dabeeyl cafimaad
oo jirkuba doonayaa tahaye
dahab iga hormuuqdaa
tihiyo dheeman meel dagaye
daruur soo hilacdaa
tahoon doogo leeyahaye
diritada halboowlaha
wadnaha carunka deeqsiiya
oonan dunida
uga maarmi karin dawgi baad tahaye
daartii aan kuleylaha
cadceed uga dugsoonaayay
oonan dunida
uga maarmi karin dawgi baad tahaye
daaragtiga indhaha
wax u arkoo dooqa lagu raadsho
oonan dunida
uga maarmi karin dawgi baad tahaye
indha deeraley
iyo haween doorki baad tahaye
dumarkale kasoomoo
adaa maanta ii darane
daqiiqado adoo
illa hadlaan dunida siis taaye
kuma deen karaayoo
naftaad daawadeed tahaye
dayax shan iyo
tobanoo iftiin caadku dadiwaayay
aad midabka daris
kala tahoo lagula dawdaaye
dabci iyo asluub
iyo wanaag eebe kugu deeqye
dadkaa quruxsan
ciid kama dulmarin yuusuf dabadiise
dibnahaada waxa
marine waa laga dhexdaawdaaye
qosol
dabacsan goortaad ilkaha diirka ka cadeydid
daamankuna godmaan
baa qalbiga naaxi dagayaaye
ka dawaafay meelaan
indhaha lagugu diireeyne
daqiiqado adoo
illa hadlaan dunida siistaaye
kuma deenkaraayoo
naftaad daawadeed tahaye
gu goo da aye
deeqdiyo nimcadu dilindilceyneyso
oo rahu ka doobiyo
biyaha debada maaxaaya
oo dararta xoolihi
ku dhalay ubadka loodaayo
oo dalaga laamaha
ka baxay daraftu laalaado
oo dixindix geeduhu
yihiin udugna sooduulo
oo roob ladhacu
daadsan yahay reyska debadiisa
oo gerigu doodina
hayiyo deeradiyo cowshu
oo loo dalxiis
taga hayaad iilla dawtahaye
daymadaada uumbey
indhuhu doonayaan abide
dibnuhuna
amaantaa daldale diide qowlkale'e
dooga uhirayaa
tahooy door shinsanayaane
daqiiqado adoo
illa hadlaan dunida siistaye
kuma deenkaraayoo
naftaad daawadeed tahaye

arag maqal
waxaa tiriyay sugaantan abwaanka wayn ee layiraahdo Maxamed
Ibraahim Warsame “Hadraawi”
Ergaduu farriintiyo
Ku adkekeyey heestee
Egmadaanu kulanoo
Looxii ilhaankaamkaan
Sida uurku baalaha
Indhahayga saaroo
Warku
waa ammaanee
Adna Maxamed Moogow
Aakhiro halkay tahay
Cabdi Qays ogeysii
Ayaadaha Qur'aankiyo
Araxmaan sidey tidhi
Hadalkii Illaahay
Ruuxuu Islaamii
Sida uu aqoonsaday
Waa ooman hawdoo
Waa guri abeesoo
Adeg weeye hoosoo
Abataq ku yaaloo
Waa iil madow oo
Rabbigay adoomaha
Kaga
aar gutaayoo
Waxa laga arooraa
Irridaha xabaashoo
Anban maayo ruuxii
Qabri lagu adkeeyaa
Marna oogadeeniyo
Waa oosha guudkoo
Waa beer udgoon iyo
Duni wada ilaysoo
Waa ceel irmaan iyo
Togag
wada ordaayiyo
Ilo wada xareedoo
Lagu oon baxaayoo
Naftu eegmo sugashada
Ashqaraar ka qaadoo
Toddobaatan ooryood
Lala
aqal galaayoo
Rabbigay addoomaha
Ku abaal marshaayoo
Dhibta lagu ilaawaa
Afhayaha barbaartow
Ababshaha dhallaankow
Taliyaha abwaankow
Aabaha jacaylkow
Adigaan ogeyn baan
Uurkaaga
baadhoo
Ula jeeddadaadaan
Ka arkaa dhul dheeroo
Arrintaadu Qaysow
Af gobaadsi weeyee
Aakhiro Cabdow
Way
aasan tahay
Iilkay
jirtaa
Aakhiro Cabdow
Anbatoo luntoo
Ururkiyo laxaa
Awrkii cirkay