Wellcome timojilic Online

Home



home
beerqaad
beerqaad
kareena kapoor
mahmahyo
actrss and actr india
heesaha
Aishwarya
amisha patel
sugaan
waa maxay jacayl?
jacayl
ila qosol

Welcome!

 
     
 walaalayashayda sharafta badan iyo qaayaha lehba walaalayaal hal kan waxaa weeyaan  suugaan ta   sugaan jacayl iyo mid diineed ba waad ka heli kar taa walaal kuna soo dhawoow.
 

EED HOOYO(1979)

Waa hees magaceeda ka wadata riwaayad la yidhaahdo "Eed Hooyo Laga Galay" oo aan qorey Sagaal iyo Toddobaatankii. Riwaayaddaasu waxay ku socotay inan yar oo da'deedu tahay 18 sano.Waa inan sabool ah oo aad u qurux badan.Islaan aan ubad kale lahayn ayaa ku indha-kuulata.Waxa xiloodinaya boqolaal doob oo guur iyo gaabsiba ka raba.Hebel bay diidaysaa;oo hebel kale ayey diidaysaa.... marka dambe ayey mid u soo joogsanaysaa ay is-leedahay malaha kanaa ah kii aad ku degi lahayd.Wuxuu been ku maaweeliyaba,aakhirka ayuu lingaxa ka goynayaa oo ay uuraysanaysaa.Waxay dabeed ka codsanaysaa inuu asturo.Isna wuu ku gacan- saydhayaa.Markaasay ereyada soo socda ku calaacalaysaa:

Obocdayda wadhaneey!
Adhaxdayda liicdaay!
Arrinkayga laalmoow!
Taladaan il-duufaay!

Axdigaan rumaystiyo
Ma arraday jacaylkii?
Ma engegay darkiisii?
Ma af-beelay xiisii?
Ma ajowday laagtii?
Ma abaaday geedkaan
Ubaxiisa guran laa?


Afar-qaadki socodkiyo
Ma eersaday wareeggii?


Orgigii la naaxshee
Adhi-raacda dhaqataa
Ku asqaysay heestee,
Naxariis ujeeddo leh
Aaminee run moodee,

Ayaantii la gawracay
Is ogaaday baan ahay.
Umal yuururaan ahay.
Cudur igu unkamay baa
Iniintiisi biqishoo,

Ayax beri i soo maray
Eel uu ka tegey baa
Uurkayga jiifoo;

Aramaa i huruddoo;
Anigoo arkaayaan
Axankayga daaqoo;


Macaan-jeceshi oon sun ah
Loo ursiiyey malabkee
Ku idlaatay baan ahay.
Iintii dadkaan ahay.

Caku inan-rageedaw!
Waxa igadh ka beermaa
Aarankiisa weeyee,
Ooryihiini kici laa
Aarankaad ku dubateen.
Urugada i haysiyo

Agoonkaa sidkii go'ay
Aanadiina weeyaan.
Ab-tirsiimadiisuna
Utun gaaxsan weeyoo,

Uurkaygu waa godob
Eed hooyo laga galay.

                            

                kuma dayn karaayo

 

Aniga oo ah abwaan ducaale cabdisamed axmed gabaygaan jaceylka ah waxaan u tiriyay  gabar soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dowlo.  

Dal waqooyi daafeed Wanliyo da iyo meel dheerba

hara lagu dabaashiyo illaa Dabare loo gaaro

burka Dugule daaraha Burciyo harafka Dooyaale

degmo iima laabnee ilaa daaqil Xamar-weyne

waxaan gabar daruur u eg arkiyo  dooran cid u joogta

oo daaman shuban ood ilkaha dahab u moodeysid

mid waxaan darduuree mid kale sii dabariyaaba

 

dardar waxaan ku dhaafiyo waxaan dumar liidaaba

degdeg waxaan ku helo taan hablaha hadal ka doonaaba

warkaagaan ka doorbiday waxaan daadahyn jiraye

daqiiqado adoo illa hadlaan dunida siistaaye

kuma dayn karaayoo naftaad daawadeed tahaye

 

degennida tilaabada ximnaha dabacsanaantooda

doodka sabarka daankiyo wajiga timaha siidaysan

daymadaada baa iiga wacan dunida haafkeede

adigaa jacayl daran qalbiga iiga daabacaye

adigey ku doonaan indhuhu kuna daneeyaane

waxaa timaha deeystoo ku nool dunida guudkeeda

ama dumar qorxoon adigabaan kaa dalbanayaaye

 

daqiiqado adoo illa hadlaan dunida siistaaye

kuma deen karaayoo naftaad daawadeed tahaye 

duruufaha jaceylkaa wadnuhu ila dikaamaaye

seymahoo da aabaa wajiga dhidid ka duulaaye

dad weynahoo I wada eegayaan mar isla doodaaye

dib markaan mashquuley ilmadu iga dareertaaye

sida dowro geel oo dhashaan kugu dul meeraaye

 

sida madi dal dheer aadayaan kula dardaarmaaye

hadaan malaga  kuu diidikaro laguma duugeene

daqiiqado adoo illa hadlaan dunida siistaaye

kuma deenkaraayoo naftaad daawadeed tahaye

diirad ii iftiintaa tahoon iga dahsoomeeyne

 

dabeeyl cafimaad oo jirkuba doonayaa tahaye

dahab iga hormuuqdaa tihiyo dheeman meel dagaye

daruur soo hilacdaa tahoon doogo leeyahaye

diritada halboowlaha wadnaha carunka deeqsiiya

oonan dunida uga maarmi karin dawgi baad tahaye

daartii aan kuleylaha cadceed uga dugsoonaayay

oonan dunida uga maarmi karin dawgi baad tahaye

daaragtiga indhaha wax u arkoo dooqa lagu raadsho

 

oonan dunida uga maarmi karin dawgi baad tahaye

indha deeraley iyo haween doorki baad tahaye

dumarkale kasoomoo adaa maanta ii darane

daqiiqado adoo illa hadlaan dunida siis taaye

kuma deen karaayoo naftaad daawadeed tahaye

 

dayax shan iyo tobanoo iftiin caadku dadiwaayay

aad midabka daris kala tahoo lagula dawdaaye

dabci iyo asluub iyo wanaag eebe kugu deeqye

dadkaa quruxsan ciid kama dulmarin yuusuf dabadiise

dibnahaada waxa marine waa laga dhexdaawdaaye

qosol dabacsan goortaad ilkaha diirka ka cadeydid 

 

daamankuna godmaan baa qalbiga naaxi dagayaaye

ka dawaafay meelaan indhaha lagugu diireeyne

daqiiqado adoo illa hadlaan dunida siistaaye

kuma deenkaraayoo naftaad daawadeed tahaye

gu goo da aye deeqdiyo nimcadu dilindilceyneyso

oo rahu ka doobiyo biyaha debada maaxaaya

oo dararta xoolihi ku dhalay ubadka loodaayo

oo dalaga laamaha ka baxay daraftu laalaado

 

oo dixindix geeduhu yihiin udugna sooduulo

oo roob ladhacu daadsan yahay reyska debadiisa

oo gerigu doodina hayiyo deeradiyo cowshu

oo loo dalxiis taga hayaad iilla dawtahaye

daymadaada uumbey indhuhu doonayaan abide

dibnuhuna amaantaa daldale diide qowlkale'e 

dooga uhirayaa tahooy door shinsanayaane

daqiiqado adoo illa hadlaan dunida siistaye

kuma deenkaraayoo naftaad daawadeed tahaye

                   arag maqal

waxaa tiriyay sugaantan abwaanka wayn ee layiraahdo Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”

Ergaduu farriintiyo

Ku adkekeyey heestee
Egmadaanu kulanoo
Looxii ilhaankaamkaan
Sida uurku baalaha
Indhahayga saaroo
Warku waa ammaanee
Adna Maxamed Moogow
Aakhiro halkay tahay
Cabdi Qays ogeysii

Ayaadaha Qur'aankiyo
Araxmaan sidey tidhi
Hadalkii Illaahay
Ruuxuu Islaamii
Sida uu aqoonsaday

Waa ooman hawdoo
Waa guri abeesoo
Adeg weeye hoosoo
Abataq ku yaaloo
Waa iil madow oo
Rabbigay adoomaha
Kaga aar gutaayoo
Waxa laga arooraa
Irridaha xabaashoo
Anban maayo ruuxii
Qabri lagu adkeeyaa

Marna oogadeeniyo
Waa oosha guudkoo
Waa beer udgoon iyo
Duni wada ilaysoo
Waa ceel irmaan iyo
Togag wada ordaayiyo
Ilo wada xareedoo
Lagu oon baxaayoo
Naftu eegmo sugashada
Ashqaraar ka qaadoo
Toddobaatan ooryood
Lala aqal galaayoo
Rabbigay addoomaha
Ku abaal marshaayoo
Dhibta lagu ilaawaa

Afhayaha barbaartow
Ababshaha dhallaankow
Taliyaha abwaankow
Aabaha jacaylkow
Adigaan ogeyn baan
Uurkaaga baadhoo
Ula jeeddadaadaan
Ka arkaa dhul dheeroo
Arrintaadu Qaysow
Af gobaadsi weeyee

Aakhiro Cabdow
Way

aasan tahay
Iilkay jirtaa
Aakhiro Cabdow
Anbatoo luntoo
Ururkiyo laxaa
Awrkii cirkay


Ku ag-xidhantahee
Dadku yuu ku eedayn
Ha dhex gelin ammuuraha
Isha xidho afkana dhawr
Arag maqal warkana ood.

 

People shouting at the world over megaphones; Size=240 pixels wide

   
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 

Suugaan Dawaco Cunayso

Waxay Somalidu ku maahmaahdaa "Hal booliya Nirig xalaal ah ma dhasho". Waxa kaloo xusid mudan in ruux booli-ku-kor ah aan looga fadhiyin astaamaha xalaal-miiradka lagu yaqaan.
 
Waxa dhawaanahan soo baxay sheegashooyin indha la' oo ay Faqashtii ka soo doogtay daaduunkii Afweyne ay ku xaabsanayaan wixii indhahoodu halacsadaan oo ay Suugaantu ka mid tahay. Dhawr buul oo ay duulkani ka unkeen Internet-ka ayay gashadeen suugaantii Salaan Carrabey qayb ka mid ah oo ay malaha damcigooda Oromonnimo ee "Waaq" ku arooraa tusay in ay baylah tahay waayo illaa maanta ma jiro buug laga qoray Murtidii abwaankii Somali ugu gabay wanaagsanaa taasoo ay sababteeda ugu weyn leedahay Faqashta oo 4-toodii gabyaa ka door bidi jirey suugaanta miidda ah ee abwaannada Salaan ka midka yahay.
 
Dadkani "Yaab" bay ka yaabsadeen oo ma jiraan wax ay ka yaqyaqsadaan taasaana keentay inay dad aan ahayn maalin walba sheegtaan, deegaan ayan lahayn ku doodaan, ama taariikh aysan lahayn oo afka baarkiis ah ay ammaamutaan. Waxay buulashooda "internet-ka" ka sheegta inay leeyihiin Sanaag, Sool (oo dhan), Jubada hoose iyo deegaamo kale oo aanay qaarkood 200 qof ka joogin. Waa duulka 1980-yadii, ayagoo isticmaalaya propagandadii Afweyne, yidhi Axmed Gurey (Karanle Hawiye) baa annaga ahaa. Waa duulkii Caadaqaatihii Ina Cabdulle Xasan 20 sano idaacada ka baahin jirey inuu ahaa weli Saalix ah oo xornimo u dirir ah.
 
Gabayga masayrku u geeyey duulkan muqlaysan waa gabayga "MINE" la baxay ee Salaan Carrabay oo ay erayadiisii qaaliga ahaa ka mid ahaayeen
Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye
Dhaqashiyo marbay kaa yihiin dhereggu Xaaraane
Dhadhan malaha aadmigu waxay kugu dhalliilaane
Nin Dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye
Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide.
 
Halqabsigan xidhiidhsan labada tuduc ee u danbeeya ayay u tiiriyeen nin la yidhaahdo Cali Dhuux oo gabaygii uu Qamaan ugu jawaabay aanu ahayn mid Mux iyo murti laga macaansado lahayn ayna sababtay in la isku dayo in la kabo. Gabaygan oo Salaan Carrabay 70 sano ka hor tirshey meel kastoo murtida lagu kaydiyona yaal ma ahan mid maanta hadhaagii Afweyne muran gelin karaan. Waxay malaha weli xasuusan yihiin hal-ku-dheggii Afweyne ku ababiyey ee ahaa LA-QABSO, KU-QABSO, KA-QABSO.
 
Dadkani waxay xigtaan buug-ku-sheeg uu malmalluuqay nin aan suugaanta waxba ka aqoon sannadka 2000-ka. Ruuxa buug-ku-sheega qortay mar la weydiiyey waxa uu khaladkaas u sameeyey wuxuu jawaab uga baxay "Gabayada nin baa ii dhiibay oo sidii ay u qornaayeen baan u daabacay, laakiin waxa yaab leh waxa uu Buugga ugu tiirin waayey "ruuxa" uu yidhi waa ii dhiibay. Su'aasha meesha taallaa waxay tahay been la malmalluqay 70 sano ka dib markii gabayga la tirshey run ma suulin kartaa? Ayagu malaha sidaasay aaminsan yihiin laakiin xaqiiqdu sidaa hadday tahay nin waliba kitaab afar baal ah buu been ku xalaashan lahaa.
 
Inkastoo aysan ahayn in waqti lagu lumiyo dadkan marin habowsan ee mala ekaanaya hadana waxan idiin soo gudbinayaa labada gabay ee dad-la-moodku foodda isu geliyeen.
1. MINE(Salaan Carrabey)--> Waxa duubay Xaaji Muuse Galaal Cali 1970 yadii...Waa su'aale maxay Faqashtu, oo Media-ha dalka haystey,  waqtigaa u sheegan weydey gabayga
2. Guba(Cali DHuux)--> Gabayga Cali Dhuux oo Gabyaa  Daarood ah oo  Jaamac Kediye  la yiraahdaa duubay 1989 kii oo aan erayadaasi ku jirin
3. H  a l q a b s i y o--> Halqabsiyadan waxa duubay nin Daarood ah oo gabayada Salaan & Cali labadaba siday u ahaayeen u xusay (C/Qaadir Xirsi yamyam)
 
"Wax badso wax beel bay leedahay" baan maqli jireye miyaan arrinkani tusaale cad u ahayn sida aan labadan Abwaan (Salaan & Dhuux) laysu barbar dhigi karin maadaama ay Faqashtii ku kalsoonaan lahayd buraanburahoodu ay damceen inay u fadhateeyaan. Waxa arrinkani muujinaysaa SABOOL suugaanta Oromada ka muuqata waayo hadday murti ay ku dhaataan jirto ma hoomaayeen hadal aysan ab iyo isir u lahayn odhaahdiisa. Mar uu saluugay saboolnimad suugaanta Cali Dhuux waakii Salaan Carrabey lahaa
Nin gedaadda xaraf kaa badshaan gaasiryow ahaye
Gudcurkaba Gollidu waa cidaa Gawra dhaxmeede
Gulaal anigu kuma taagsan karo soo gadhaaciyi'e
In Gunaanad kugu waajib yahay waxa gunteediiya
Nin Gasiirad kugu oodi baad daba geleysaaye
 
Suugaanta Salaan Carrabey ka weyn wax sannadka 2000 ay Dawaco feenfeenato ee waa murti dhaxal gal ah oo kumaankun sano aan ka suulayn carrabka jiilasha soo socda.
 
Waxa keliya ee aan arrintan ina xasuusinaysaa waxay tahay in la gaadhay xilliigii la qori lahaa Suugaantii waafiga ahayd ee Salaan Carrabey, Maxamed Yawle, Aflow, Gahayr, Qawdhan Ducaale, Maxamed Nuur fadal iyo abwaannada kale ee Soomali uga tegey dhaxal-Suugaameed dhaqankeenna ka tarjumaya.
   
 
 
     

     |  Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |   Taariikh  | 

TELEVISION

TV S/Land International

War iyo Wacaal
CAYNABA NEWS
Qaran News
Somaliland.Org
Sanaag online
Halgan News
Hadhwanaagnews
Awdal News
Somalilandcenter
Somalilandnet
Togdheer Online
Somalilandnews
Somaliland Web
Balligubadle
Information
Hargysa City Gov't
S i r a g.org
U H U B S O
Somalilandforum
Somalilandgov
Somalihome
Somalilander
Somaliland Online
Red Sea Online
Sool & Sanaag
Hargeysa.org
Somaliland D-Watch
Somaliland Cyberspace
Somaliland Era
Togdheer net
Hargeisa City
G a b i l l e y
Balligubadle
H o r y a a l
Havoyoco
Tawakal Lifeline
M u d u g
Somaliland Aid
S/L Green Awareness
A taste of Africa
Ahmed In Burco
Gabooye Web Site
GoobjoogNet
Suugaan & Dhaqan
H a d r a a w i
A f t a h a n
Somalilandpoets
K a a h .org
Farshaxan
Naasa Hablood
SERVICES
Dahabshiil
Daallo Airlines
StarAir
Edna  Hospital
S/L Nordic Relief
S O P R I
LUCKY STAR CONTSTRUCTION
Daryeel Construction
Himilo Village
Somalilandpost
BuraoCityPlaza
Ambassador hotel
Maansoor hotel
Mingsing Restaurant
I S L A M
Hilinka Toosan
B o q o l s o o n
Al-Qurabaa
Q u r' a a n
Qur'aanka karimka
NEWSPAPERS
Haatuf Newspaper
Jamhuuriya
Somalilandtimes
H  i  m  i  l  o
M a a n d e e q
S/L Communities
New Zealand Comm.
Somaliland Ottawa
Somaliland Denmark
SomalilandFr
Somalisk Velferdforening

AUDIO NEWS

BBC Somali 5PM
BBC Somali 9PM
Radio Hargeisa
Somaliradio.dk
Radio Golis
Radio Sahan
Radio Hanqadh
EDUCATION
University Of Hargeysa
Amoud University
University Of Burao
Institute (IPRT)
Hargeisa CAAT
Somaliland Software
POLITICS
Somaliland-Gov.com
S/L Electoral Comm.
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
S p o r t s
Togdheer Sports
SOCSA
Entertainment
Chakerporty Ntwk

Muj. Cali Xaashi Tuug- Tarabbi
Ciraa-booti
Saxansaxo
Kelyo yeelo
Woqooyi
Yaan la kala baydhin
Haatuf
Maanafeesto
Bal xasuuso
Shiinleey(Citiraaf)
+ More....
Laba Waddaaleey
Cawraliyo Cigaal
Gabarra-sudhan
I n t i f a a c
Giraan Culus
Max'd Gacal Xaayow
Taariikhda Qoran
Xal u raadi
Su'aal furan
Nabadda soo hooya

SUUGAANTA

CUSUB

Bandhiga qayb ka mida  suugaantii Macallinkii, Sheekhii, Abwaankii Sh Axmed Wacdiyow

Sh Axmed Wacdiyow
Sh Axmed Wacdiyow
Sh Axmed Wacdiyow
Sh Axmed Wacdiyow
Sh Axmed Wacdiyow Sh Axmed Wacdiyow
Sh Axmed Wacdiyow Sh Axmed Wacdiyow

SUUGAANTA

CUSUB
Xuska Abwaanka (Maqal) ........Qoraal
Qisadii Qarad Dirir Saalax Lay Diray
Faarax Nuur X a l l e e f
Faarax X Xasan X a l l e e f
Max'ud Saleban Xirsi Wax-DaranLiq & Cige
Max'ud Saleban Xirsi Cismaan Aadan Dibi
Samatar Dakharre More....
 
 
 

XUSKA

ABWAANKA
1. Axmedoow rag badanbaa ka hadhay, hawlihii gabaye
2. Ma haweysto maansada colkii, waayo hayn jiraye
3. Waxaan anigu uga haayiraan kuu hawalayaaye.

4. Haweenkii buraanburi jiriyo, dhaantadiyo heesta
5. Iyo niman ……… hoose iyo, sebi hadaaqaaya
6. Iyo qolada heellada tuntuu heer la joogsadaye.

7. Afka waxan higaagaba marbaan, hilayga diidaaye
8. Halka iyo hiraabtii xaliyo, hadhimadii maanta
9. Wax i huriyey mooyee qalbigi soo hadh geli waaye.

10. Ragga haatan joogee murtida, u hanqal taagaaya
11. Iyo odayadeennii horee, iilka lagu hooyey
12. Hal abuurka Soomaliyeed niniyo heerkiise.

13. Hawraarta maansada haddaan, hab uga faalloodo
14. Hadna uma sinnayn uumiyuu, taniyo Haabiile
15. Hadbase kii horseedka u baxaa loo hanayn jiraye.

16. Haddiise maanta weel loo helo, haamo laga dhaanshey
17. Waa niniyo hayntiye markay, hibato laabtaadu
18. Hadal iyo hiddaba waa inay kala hufnaadaane.

19. Ma hagaagto xaajadu haddaan, loo horbaxantayne
20. Hadhuubkiisa oo madhan ninkii, faras ka heenseeyey
21. Hanfigiyo dabaylaha dhacuu ku hafan doonaaye.

22. Sidii heego roob iyo cirkoo, halalaclaynaaya
23. Hordhac iyo hal buu leeyihiyo, qaar hadoodilane
24. Halka ararta lagu hooriyaa lagu hagaagaaye.

25. Ninna gabayga iib kuma helee, waa hiddo-aroore
26. Ninkii hurinta Biibiisidiyo(BBC), hebel u baaqaayey
27. Kumanyaal Jihaal ka hadliyaa soo hanbaabiraye.

28. Wax waliba hu buu leeyahoo, lagu hagoogaaye
29. Debedaa siday uga rogeen, habaqlihii yaacay
30. Haydaarto badan bay faleen hadise maayaane.

31. Afartaa halkaasaan dhigee, ha iyo sheeggay dheh
32. Hujuunkii Ugaaskiyo , Khaliif , halabsigii Shaacir
33. Helimayno weedh lagu hirtiyo halisti Iidaane .

34. Hagaag laysu waajahay haddii, gole la heedaamo
35. Hormuudkii Cabaade iyo Nuur , mahadhadii Jaamac
36. Iyo waxa haloosiyi ogaa, Badhiyo Heebaane .

37. Hiladii Cayuuniyo , Xirsiyo , hanayihii Caafi
38. Hawadooda ........hadloon, la hunguraynaynin
39. Helimayno Ina Beenaliyo , hawdi Cali Jaare .

40. Hubkii Ina Cabsiiye iyo Carab ,hadhici Gaagaale
41. Hugur iyo Cismaan Aadaniyo , hanaddadii Awdal
42. Hudle iyo hankaarkii Xayiyo , ma hayo Liibaane .

43. Axmedkii sidii Haro biyo leh, lagu hagaagaayey
44. Hodaarkii Indhooliyo , Afgaab ,hanashihii......
45. Heli mayno Cali Geelle iyo, higilki Qoorleexe .

46. Habaarkii Dallaayad iyo Xuur , halakadii Ciise
47. Higtii Weerar iyo Caamiriyo , erayadii hiille???
48. Hadhkii Ina Galaaliyo , Cabdiyo , lama hurii Geeddi .

................

Halkan Riix
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Hit Counter

 
 

Sign Guestbook by GuestWorld View
::SILSILADDII "MARUURYO"
::SILSILADDII "DEELLEE Y"
::SILSILADDII "MIINLEEY"
::Suugaan Dawaco  Cunayso
::Suugaan laga sinaystay
::Dhoohnaanta Dhoodaan
::Dheryo iyo Dhurwaale
:: Loodh & Bashiir
:: Kiiskii Qaraweyne (1954)
 

Waxaannu dhawaan idiin soo tebinaynaa Muuse Cali Faruur iyo "BOGGA DHAQANKA"  Waa maqal dhawr saacadood socon doona oo uu abwaanku sannado ka hor duubay annagoo filayna inay waxtar u yeelan doonto caruur iyo cirrooleba

 

Suugaanta soo socota

Siinleey (Yuusuf Shacir)
Mustafe Sh Cilmi
Cilmi Barroow
Mr Siicoow
Maxaad Gacal Xaayow
 
Moh'd Yasin "Dheeg"
Gabaygii Durdur (28:10)
 

Cajalado dhan

Halgankii Somali Galbeed
Silsiladdii Siinleey (Part I)
Silsiladdii Siinleey (Part II)
Maaddeey "Suugan Maay"
 

Gabayo Cusub

Yuusuf Magan
Aadan Hurre
Cabdi Gahayr" Saynlow.."
Qawdhan Ducale "N.Hafar"
Qawdhan Ducaale
Cali Mooge(Dhirta)
Cali Mooge(Xayawaanka)
Jaajaale&Xuseen Xasan
Cabdi Hurre
     

Gabayo Qoraal ah

Cabdi Gahayr
Xasan Tarabbi
Xasan Tarabbi
Seed &Guniyo-Baareeg
Gundhidin & Ina Gaballaax
Dedaala - Haldeeq
     
 

Cali Magan

· Taariikhda Kuuba(1)
· Taariikhda Kuuba(2)

Suugaan kooban oo ka hadlaysa qardabooyinka Qurjiilaha(Kuubba)

 

 
 
 
 

   Max'd Abdi Loodh

D a m a a s h  a a d
I s u - B o o d d o
Leyla-Goobaley
H  a b a r   Y o o n i s
J i r d a g o o y e
 
 
 
     
     
 
 
 

 

Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com
 
soo dire mukhtaar siciid xaashxaash, kamo,
tix gabaya oo gabadhahahada jooga lagu magayo

  • waxaa marinaaya gabaygan ducaale cabdisamed   oo looyaqaano maxamed  ninki yaqaan baa yaqaane ,
  •  
  • cabdiyoow habalihi bilaan jiray  bawar kood dhimay ku wii geela barkale ragani u kabixinayaay
  • boqoolaal ku wii lasin jiiray horwayn baarqab lagu qooqsho imimakaay bilaash nodeen iyo baytimaal wadhane bordhiga iyo waxay lashirayaan bar lamaanadee.
  • bangada maxaa loo xidhay oo loobadalay toobka  kamaan qaraxa hooseiyo lingaxu waa banaan yahaye bal maxaa baray birti guuxay saba waa balamayaane
  •  
  • gabaygan waxaanu kasoo qoornay maxamed xasan shikh daahir oo jooga magaalad laascaanood

Here I might add an entry whenever I make an update to my web site. Where appropriate, I'll include a link to the change. For example:

11/1/01 - Added new photos to Vacation Album page.

Please get in touch with any comments or reactions to my site.