Wellcome timojilic Online

Favorite Links



home
beerqaad
beerqaad
kareena kapoor
mahmahyo
actrss and actr india
heesaha
Aishwarya
amisha patel
sugaan
waa maxay jacayl?
jacayl
ila qosol

    

 

 

 

dajiye85@hotmail.com  mduale_11@hotmail.com

hoyga jacaylka dhabta ah

by ducaale c/samed axmedWaa maxay Jacayl? ( Riix Halkan

Caashaqa haween
Cilmi Boodhari (Ciidagale)


Caashaq haween waa hora Caadil soo rogaye
Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye
Caruurtay sideen meesha iyo ciise nabigiiye

Cidla lagama Beermeen dadkoo cuuddi waaxida e
Waxa qaarba cayn looga dhigay hays cajabiyeene
Soomaalida caado xune iguma caydeene

Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye
Kuwii ii calaacalayey baan camal tusaalayne
Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo

Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya
Curuuqdiyo maxa kale dhex geli cadaha hoostooda
Ma cidaamkanaan jabinayaa cunaya dhuuxooda

Inaanse cadaydo mooyee waxaan calalsho lay diidye
Caqliga yaa ka biin tuu Illaah ku cir-cadeeyey
Cimrigayga oon jirin intii lagu cirroobaayey

Mugga inaan caddaadaan ka biqi canab daraadede
Cududuhu ma naaxaan qofkay talo ku ciirtaaye
Casharkay wadaadu qoreen cudurkan goyn waaye

Cilmi iyo daawaba doontay oo waayey cilinkiiye
Jeeroonse canabeey ku helo caafimaad dhimaye
Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye
Illayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay 

 



Jacaylbaro

Ajashaan Dhammaan"

Ajashaan dhammaan
ifka kama tagoo
Waa sida innaga;
Bal eeg ubaxan baxay!
Ubadka iyo raaxadan
Alla innage simay!
Ogoobey kalgacal
Axdi dhawristii
Samaanteeda lihin,
Sow ujeedadeennii
Kumaynaan aflixin
Ubad khayr qabiyo
Nolol aayatiin wacan
Illaahow na sii
Aamiin Allaahayow

Aadan iyo Xaawo
Ololaha kalgacal
Illay soo unkee
Aadmiga kalana
Ambaqadiyayoo
Abtirsiimo noqday!
Ogoobey kalgacal
Axdi dhawristii
Samaanteeda lihin
Sow ujeedadeenni
Kumaynaan aflixin
Ubad khayr qabiyo
Nolol aayatiin wacan
Ilaahow na sii
Aamiin Allahayow;

Adduunyada nin nool
Wakhti urugo leh iyo
Waa ayaamo farax,
Sidoo kale innana
Adkaysi iyo samirbaa
ku alloosaynaa
Ogoobey kalgacal
Axdi dhawristii
Samaanteeda lihin
Sow ujeedadeenni
Kumaynaan aflixin
Ubad khayr qabiyo
Nolol aayatiin wacan
Ilaahow na sii
Aamiin Allahayow;

Ugub maaha laba isu oomanoo;
Wakhti kala irdhee
Ehel caashaqoo waxaan nahay
In badan aayaha sugee,
Ogoobey kalgacal
Axdi dhawristii
Samaanteeda lihin
Sow ujeedadeenii
Kumaynaan aflixin,
Ubad khayr qabiyo
Nolol aayatiin wacan
Ilaahow na sii
Aamiin Allahayow.}

{
Caashaq waa shidiyo hoog,
Waa sheydeaan qarsoonoo shafka kaa waswaasiya
Shaqsigii uu qaadana wadnuhuu ka shiishaa
Feedhana shaandhiyo shabaq buu ka yeelaa

Ana keygii wuu shubey daruuraha........


Ma aan sii wadaa!!!! Caashaqu waa kaas ina aaboow.}

{
Haddaan laysu dhamanayn
Nafta laysu dhiibayn
Ama dhaxal tis qaadiyo
Dhismo aqal la taagiyo
Ubad iyo dhaqaaliyo
Dhaqan reer la kala sugin
Dhunkashiyo u jeedadu
Tahay dhaayo guudkood
Waabay la dhabaqsado
Dhereg iyo markaas qudha
Ama sida dhurwaayada
Hilbo gabadh dheg roonoo
Higlo loogu dhuuntoo
Dhakhso loogu kala baxo

Ninba waxa dhabbacashada
Dabinkiisa ugu dhaca
Dhidar iyo xabaashii
Sharaf lagu dhabcaaliyo
Dhawrsooni laga tegey
Dhalanteedka beenta ah
Bulshadaa u dhaawacan}

{
Thanks Ameenah ,,, runtii waxa aan aad uga helay sida aad u soo bandhigtay ,,, qoraa baad ku fiicnaan lahayd ,,,

Anigu waxa aan dhegeystay abwaanka laftiisa oo ka sheekaynaya sababtii uu gabayga u tiriyay. Waxayna ahayd sidan:

Magool ayaa waxa ay booqatay Sudan si ay heeso uga soo qaaddo, ka dib nin Suudaani ah oo isaguna fanaan ahaa baa ka helay oo jeclaaday, laakiin waxba umuu sheegin iyada. Markii ay soo noqotay ayaa waxa uu u soo diray warqad iyada oo Muqdisho joogta. Warqadu waxa ay ku qornayd khad casaan ah isla markaana waxa ay ahayd af carabi. Magool may aqoonin luqada carabiga markaas by ula timid Abwaan Hadraawi si uu ugu akhriyo. Waraadii wuu u akhriyay waxaanuu aad ula yaabay markii uu waraaqda soo gebogabeeyay ninkii soo qoray oo uu yiri: " Hadii aad moodayso khadkan cas ee ku qoran waraaqdu inuu yahay qalin cas, waxa aan kuu sheegayaa in inta aan cirbad soo qaatay oo a[Cool]an dhiigayga ku soo qaaday aan waraaqdan kuugu soo qoray" ,,,,,,, Runtii waxa ay ku noqotay wax fajaciso ah arrintani abwaanka ,, markaas buu gabaygan allifay ama tiriyay kaas oo markii dambe hees laga dhigay laakiin anigu aan ku door bido marka uu gabayga y,,,,  
  ahay oo uu dareen dhab ah ku gelinaayo.

Ilaa hadda gabay jacayl laga tiriyo mid ka macaan oo ka xikmad badan maan arag runtii.

Ameenah ,, thanks again Dear ,, waad i xasuusisay waa inaan raadsadaa hadda cajaladii gabaygu ku duubnaa (LOVE)


Ma salguuri caashaqee,
Ani sibiq ma igu yidhi
Intuu samada ila tagaey
Saxar qaadka fooraha
Dulsabbee ma igu yidhi!
Dhalanteed ma igu sabay
Soo jeede maqan uun!
Seexanayn ma igu dhigay;

Ma salguuri caashaqee,
Ani sahal ma igu helay
Intuu soorti iga jaray!
Sur adag ma igu xidhay
Ma i saaray heegada
Wax sanceeya mawdoo
Saaka maygu weyn yahay
Suxulada ma ii dhibay. (L)

RosesTreasure Of My Heart !You Complete Me !






 

dajiye85@hotmail.com

Qisoo Dhaba Jacayl Baaxad Weyna Xambaarsan

Qisoo Dhaba Jacayl Baaxad Weyna Xambaarsan Dhexmartayna Wiil iyo Gabar Lagu Kala Magacaabo Siciid Warsame iyo Filsan Ciise Wardheere.. Halkey Ka Dhacday Qisadaan Seese U Dhacday

 

Qeybtii 2-aad

Saciid Ayaa sheekadii kubilaabey Filsaneey intaan Dunidada Kunolaa Maanan Arag Qof iisameeyaa Arxanka aad iisameysay Walaale waxaan kuugu abaal gudana Magarnayo Waxaan kuugu abaalgudo Filsan baa Tire ayadoo dhoolacadeynaysa Waa laysku leeyahay In laisku gargaaro .Saciid baa kujawaabey Filsaneey Ku iloobimaayo inta aad dunida Daafaheeda kunooshahay Mana Lagayaabo Saciid oo Markastaa Eegaayo Quruxada iyo Hanaanka Filsan ilaaheyUsameeyey.

Filasan Ayaa Tiri Walaal Saciid Aniga Mar waan Yabaa Mar waan Naxaa Mar na waan farxaa Saciid oo Yaabay Ayaa Yiri Walaal Maxaa Keenay noocyadaan is bad badalkaa Filsan oo Hoos u hadlaysa Ayaa Tiri Walaal Saciid Mar ka Aan Naxo waa Mar ka Aan soo Xasuusto Falkii isbaarada aan kala Kulanay Mar ka Aan farxana waa mar ka aan soo xasuusto Bad baadadii adiga Iyo Adeer mar waan yaabaa oo mar ka aan soo xasuus to qaab kaa utaagnayd is baarada iyo sidaa ula Dhaqmaysay dad ka Masaakiin ta ee Socotadaa,

Saciid ayaa Hadal kii qaatay oo yiri Walaal Macaan Anigaba in taas waan kaala Simana hay Walow ay isii Dheertahay Wal wal iyo murugo gaara Akhristayaasha qiim aha iyo Qaayaha Lahow in taas kadib Ayaa Waxa ay filsan iyo saciid uguda Galeen Sheeka Gaara Sida Malagu qabaa Caruur maleedahay Walaal.

Saciid Ayaa Yiri walaal filsanay Anoo kula Kaftamaaya Malagu qabaa Kolay Quraxdaan nin la,aan Matihide Filsan Ayaa Qosol ooda Kaqaaday oo muda Daqiiqadaa Qoslaysay halka uu saciid na Qoslka Dhiniciisa Kawaday Filsan Ayaa tiri walaal Nin aniga Malihi qurux Gaarana malihi ee Nin iraba Mahaysaa Aniga Nin waanba waa yee Filsan Ayaa Si kaftana Usii raacisay Adigaan Saciidase ma irabtaa Walaalow Anoo kula kaftamaaya.

saciid Ayaa Yiri Igadaa igadaa Igadaa Filsan walaal Qurux Adiga kaa maqan halkee loo raadinaa Filsan Ayaa Tiri Mahad sanid madaama Aad i amaantay walaal saciid.

Filsan Ayaa Hadalkii qaadatay oo Tiri Walaal Adiga waligaa Maguursatay mase Waa wali, saciid Ayaa Yiri Walaal Waligay Gabar Xariir Hoose lama samayn is kabadaa Guur Dumare Filsan Ayaa Lasoo booday Why Why oo aad gabar xariir ula Samey weyday filsan oo sii hadlaysa Ayaa Tiri Xataa Saciid gabar saaxiiba waligaa Mayeelan miyaa . saciid ayaa hadal kii qaatay oo yiri Walaal Aniga Shaqadaydu Waxa ay ahayd in aan Dad ka Dhaco Baarto Gabdhaha Ama Dumarkana Kufsado filsan Ayaa is taagtay Tiri saciid Bas Bas Naxariisa kaaba Dheer Maxaa kugu kalifay Falal kaas Foosha xun miyaadan se ogayn in Gabar kula dhalatay gabar ku dhashay gabar kuu dhaxi doonto ama aad guursan doonto .

Saciid Ayaa Yiri intaas Aad Sheegtay iyo in kabadanba Idaacadahaan kamaqlaa walaal marar ka qar laakiin kuma Dhaqmo. Filsan Ayaa Tiri walaal Macaan Xaalkaagu maaha xaal wanaagsan ee hada Kawaran hadii aad towbad keento ama aad Allhii ku abuuray usoo Noqoto. saciid Ayaa Yiri walaal Aniga waan usoo laabanayaa Allahii i abuuray igana bad baad Shay Dhaawacii Foosha xumaa ee isoo gaaray Hadalkii oo halkaas maraya Ayaa waxaa Soo is taagtay gabar shaqaalaaa oo lagu magacaabo Aamina gabadhii Ayaa waxa Ay Filsan iyo saciid ba si guud ugu Sheegtay In Lajoogo waqtigii salaada Duhur qadadiina Loo fadhiyo Balse Su aashu waa Saciid matukadaa Mase yaqaan sida loo tukado mase yaqaan salaada iyo sharuudaheeda.

Filsan oo ahayd inan ku Wanaagsan Dhanka Diinta is laamka Ayaa Tiri Waa yahay Aamina Allahana Kaa Abaal marsho walaasheenay Filsan Ayaa is taagtay saciid Ayaa istaagay isagoo Yaaban is weydiinayana waxa uu sameeyo Filsan ayaa weeso U Keentay Saciid In taas kadibna Filsan waxa Ay Gashay Salaadii Balse Saciid Ayaa Waxa uu garan waayey waxa uu sameeyo madaama uusan daahir ahayn xitaa saciid ayaa sitoosa u aaday Goob tii qada Halkaas oo aan kuwada sugnayn aniga Cumar iyo Adeer C/Qaadir Saciid Ayaa Mar kii uu noo yimid Si Guud Noo salaamay salaan kadibna qadadii Ayaa lawada galay Daqiiqado kadibna qadadii ayaa lagawada Kacay.

Saciid iyo Aniga Ayaa wada Sheekaysanay is Weydaarsanayna Su aalahaan Aniga Cumara Ayaa Hadalii Bilaabay irina War saciid maanta oo Dhan Waxaa la ii Sheegay in aad wada Joog teen Filsan ee Gabadha Ma is wareysateen Mase is fahan teen , saciid Ayaa Yiri Haa Saaxiib Cumarow Aniga iyo Filsan maanta waan is wareysanay Wax yaabo badan Ayaana is ka wareysanay Aniga Ayaa iri saaxiib dadaal oo Dhaqan kaaga Badal Aniga waan idin katagayaa maal maha soo socda waayo Shaqo iyo Arimo ayaa Iga Dhaca In taas kadib Saciid Ayaa Yiri Maya Maya saaxiib naga tagi maysid ilaa Iyo in tii Aan is ka Fahmayno Aniga Iyo Filsan iyo Adeer C/Qaadir. Waa yahay Ayaan iri .

In taas kadib Aniga Ayaa waxa aan Siguud ugu Sheegay Adeer Filsan saciid in aan baxaayo oo aan Kasoo laabanaayo Dagmada Afgooye oo Arimo iiga kala Xayir Naayeen Adeer Ayaan ii ogolaaday balse saciid Ayaa yiri saxaiib aniga waan kuraacaa waana kula so laabana Filsana waxa Ay tiri Allow Allow igu ma Ogid In aan wadadaas ku laabto Saciida yaa naxay mar kii Hadal kaas filsan tiri balse filsan ayaa garawsatay garatayna in saciid arin tu salfanayso war klii oo kooban Aniga oo qura Ayaa Dhaqaaqay saciidna waan is ka raabey Arimo gaara oo jira Awgood Sida Saciid oo dhaawacii kasii muuqady Ninman kii Hoary u dhaawacay oo lasii maraayo ayaan ugataygay saciid ANiga Cumara Ayaa saacado kadib Gaaray degmada Afgooye mar ki Aan tagay Xaafadayda oo aan Saacado joogay Ayaa lagaaray waq tigii Balantu Ahayd in Aan soo Laabto.

Anigii Ayaa laba kacleeyey oo is iri halaaban iyo laabo balse kama danbayntii waan Laabtay waayo Balan daro waa Diin daro Ayey somaalidu dhahdaa saacad kadib AYan waxa Aan soo gaaray xaafada BuuloXubey oo Ahayd halkii Filsan iyo Adeer C/qaadir Daganaayeen Waxaan irida ka kalay xaafadii Waxaa Albaabka iga Furtay Filsan oo salaan igula soo booday iti Walala Masoo laabatay Adoo nabada saan iri haa Walaal ee Reer ku See Yahay Walaal waa nabad Ayey Tiri filsan iyadoona Sii raacisay Walala Waxaa Saa ida oo Kaliya hooyadey Macaan ayaa timid Anigii AYa Farxay oo iri walaal Goorma Filsan AYaa tiri Hal Saac oo kaliya Ayey kaa Soo Horaysay Akhristayaasha Sharaftalahow aan idin xasuusiyee Filsan hooyadeed Waxa Ay jirta oo ay ka i maanaysay Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Bay Magaceeduna Waa Maryan.

Gurigii Ayaan Horay ugalay Anigoona Utagay hooyo Maryan Hooyo maryan AYaa waxaa is kaayo bartay Filsan hooyo maryan Ayaa iweydiisay dhawr Su aalood walow Ay Ahayd Su aashii iigu xanuun ka badnayd Yaatahay Ama Qolodaa laakiin Akhristayaal waan uga Jawaabay hooyo Madaam Ay Ahayd qof Waa Yeela Laakiin Su aashaas Jawaab teeda Ma Soo bandhigi karo ee raali iga Ahaada.

isbarasho kadib waxaa yimid waqtigii salaada Maqrib halkaas oo salaadii aan wada tukanay mar kii laga reebo saciid oo mar kaas lawada ogaaday in uusan tukan mar kii uu meel gaara is ka fariis tay Salaadii mar ki aan kabaxnay rag iyo dumar ayaa la sheekaystay oo Hooyo maryan Ayaa tiri Nayaa Filsan Saciid matukado miyaa filsan oo wax ay kujawaab to aan garanayn ayaa tiri hooyo waa uu tukadaa lakiin salaadaan Maqrib ayaa umalaynayaa in wax si kayihiin Hooyo Maryan Ayaa Tiri haa sax lakaiin Hooyo u Sheeg salaadu waa lama huraan.

intaas kadib Filsan Ayaa waxa Ay Sheeko u gashay Saciid iyadoona Kutiri Walaalow macaanow maxaa utukan weyday maase salaada bilowdid sacid ayaa yiri maxuma laakiin walaalay Sow inaan barto kama Horayso Haa waa Yaab salaada mataqaanid sida loo tukado miyaa Ayey tiri filsan intaas kadib Filsan Ayaa waxa Ay toos u soo abaaraty aniga cumara iyadoona ii sheegaty in uusan saciid tukan balse uu rabo in labaro sida loo tukado in aan baro qaab ka salaadana aniga la igarabo in taas kadib aniga cumara ayaa usoo af jaray wax walba oo laxariira salaada.

filsan Ayaa waxaa u yeertay hooyadeed Maryan oo tiri naaya Mar yan Cumar gartay oo waad ibartay waana wiil Asxaan idin ku leh balse wiil kaan saciida Aana hadlayn Maxuu yahay Mareer dibadahaa oo dibaduu kaala yimid Maya Ayey tiri filsan hooyo wiilkaan halkaan Ayaan is kubaranay waana wiil adeeb badan fiicana haa waa sax ayey tiri Hooyo Maryan Hooyo maryan Ayaa Tiri hooyo Maad xasuusataa wiil aan Ayaan kuu Sheegay oo Muxiyadiin Mire oo ina Adeer kaa Ah Filsan Ayaa tiri hooyo maxaa ......

 

ducaale cabdi samed axmed

dajiye85@hotmail.com

Qoraalkaan xaquuq Diisa Waxaa Leh Qoraaga Ku saxiixan amar La,aana Lama daabacan Karo lamana Qaadan karo

lasoco qeybata Sedexaad Maal Mahan soo socda Akhristowna Ogow sheekadaan Waa Sheeko Dhaba oo Dhacday.

Halkan ka Aqri Qeybihii

www.trellix.com

Qisoo Dhaba Jacayl Baaxad Weyna Xambaarsan

Qisoo Dhaba Jacayl Baaxad Weyna Xambaarsan Dhexmartayna Wiil iyo Gabar Lagu Kala Magacaabo Siciid Warsame iyo Filsan Ciise Wardheere.. Halkey Ka Dhacday Qisadaan Seese U Dhacday ??.
Qayta 1`aad

AKhristayaal Inta Aan uguda Galin Qisadaan Kahor hadii Aan waxyar idin ka faah faahiyo Qisadani Waxa Ay Dhexmartay Wiil Somaaliyeed oo lagu magacaabo Siciid Warsame Caynte iyo Inan Somaaliyeed oo iyadana Lagu Magacaabo Filsan Ciise wardheere Qisadani Ayaan Ah Qiso Aad uanaxdin badan xambaarsana Mac luumaad aad ubalaa ran Akhristayaal sheekadaan Waa Hubaal in Aad La Dhacaysaan Waxaana Filayaa In aan Sheekadaan Mus taqbalka dhaw Buug Ka Qoro Sheekadii Ayaa Bilaabanaysa ee Qof Kastow Sifiican ula Soco Xasuusin Aniga oo Ah Qporaaga Sheekadaan Goob Joog Ayaan u ahaa Sheekadaan Waxaana MAr ka AY Shekadani Dhacayso Kusug Naa Wadanka Somaaliya gaar Ahaan Maagalada Afgooye oo 30 KM ujirta Caasimada Somaaliya Ee Muqdisho.....

Saacada Somaaliya waxa Ay Ahayd 1:30 kii duhirnimo Magaalada Waxa Ay Ahayd Caasimada wadanka Somaaliya Ee Muqdisho Goobta Ay Sheekadu Kabilaabatayna Waxa Ay Ahayd Groonka Lagu Magacaabo Bali DoogleAhna garoon Caalamiyaa Sanooyin badana Soo jiray Filsan oo ahayd Gabadaha Sheekadaani kusocota Ayaa Mar keedii hore kunoo layd Wadanka Uk Ama Egland Gaar Ah aan Birstol ,Filsan Da'a Deeda Waxa ahayd 24 Sano Jira Waxa Ay Kasoo safartay Wadankii Ay in mudaa Kunoolayd Ee Uk Waxa Ay Kusocatay wadanka Somaaliya Gaar Ahaan Caasimaad ee Muqdisho Filsan muhiimada Safarkeedu Waxa uu Ahaa Laba Arimood oo Kala Ah in Ay is Guursadaan Wiil Lagu magacaabo Muxayadiin Mire oo ina Adeer keed Ahaa muxiyadin iyo Filsan Aqoon Gaara Kama Dhaxayn Laakin Labada waalid Ayaa isi Siiyey Filsan iyo muxiyadiin..

Sidaan Horay u Sheegay Ba Saacada Mar ki Ay ku Beegnayd 1:30 Duhirnimo Ayaa Filsan Ka Soo Dagtay Diyaaradii Waday Filsan Abid keed Ma Arag Somalaiya Balse waxa AY Maqashay Magaca Somaali Filsan Maadama Ay Tahay gabar Aan Somaaliya Aqoon Dhinaca Amaankana Kabaqaysa Waxa LAsocdayt nin ADeer Keed ah Kana soo Kaxeeyey wadanka Uk Is kusoo Duu Duboo Filsan waxa Ay cagha\ SWoo Galisay Cidii Wadanka Somaaliya Gaar Ahaan cidii Ayarborka Bali Doogle Filsan Waxa AY Eeg Tay Dhinacyada iyadoo Fiigsan Ama Dhaga Faarsan Ama Cabsi Ay kujirto Qof ba Sida uu uyaqaan Filsan Ayaa Lasoo Saaray gaarigii Gayn Lahaa Xafada Hooyadeed oo AHayd Xaafada Buulo Xubey ee Degamada Madiina Aga gaar kA Shaneemo ducaale >.

Waxaa Dhaqaaqay Gaarigii Filsan waday Gariga No Ciisu waa Homy Caasi Ama Mini Bas Haba Sidaa Utaqaaniin Gaarigii Ayaa Mar kii uu Socday mudo 35 Daqiiqaa Amar Alle dartiis hal Mar Is Taagay Wa xa So Dagtay Cilmi oo Ahaa darawalkii Garaiga waxa uu Eeg eegaba Gaariga Waxa uu Ar kay in Gariga Cilad ka Gashay Matoor ka uuna Si sahala Lagu Suubin karin > Cilmi Ayaa Lahad lay Filsan iyo Adeer keed Waxa Uu kuyiri " Walaalahayga Rakaab kaayow Raali Ahaada Filsan Ayaa Lasoo Booday Walaal Wax Aad noo Dhintay raalina Aan kaaga Ahaano Maba garanaayo Anigu Horay Ayaa Somaali Udtiro Kor Waayeel Waa wada In Dho Waxaa Hadalkii qaatay adeer keed Oo yiri War Darawal Ma Garigaa Jabay Mase Shidaalkii AYaa NBaga Go Ay. Darawalki AYaa Yiri Adeer Haa Gaariga Ayaa Jabay oo Waliba Cilad Weyn Ayaa Ga Shay ,, Wax Baa Dhacay See Bay Udhacen lama Yiraahdee See AYaa LAgu Xaliyaa Ayaa Layiraahdaa Saas darteed Adeer keed filsan Ayaa Yiri Darawal Bal Gaari noo Eeg Ma Luagyn Karnee...

Cilmi Oo ahaa Darawalkii Ayaa Yiri Adeer Horta Dhibaato Majirto Oo Gari waa Lahelaa WAayo Wadadii Ayraborka Ayaan Taaganahayee wax Yar ukaadi Hadalkii Darawalka oo aan Dhamaan Ayaa waxaa Soo Is Taagay Gaari Nasiib wanaag Gaariga Waxaa Darawal Ka Ahaa Aniga Cumar AH Ahna Qoraaga Sheekadaan is Lamar kiba Waxa An Weydiiyey waxa Dhacay Waxaa ijawaabay Filsan Adeer keed oo yirii Haa gaarigaa jabay anaguna Magaaladaan rabnaa ANiga Iyo Inan Aan Adeer u ahay Aniga Ayaa Ku jawaabay Adeer taas Dhibaato Malaha Oo Meeshu waaba Dhawdahay anaana Magaalada Ku Geynaaya Waliba xafadaada Adeer Aya Ku Jawaabay mahad sanid Wiilakygi Allaha janadana Kaa waraabiyo Hadal Amaan Is wareysi Kadib Filsan waxa Ay cagaha Soo saaratay Gaarigii Iyada iyo Adeeer keed gaarigii AYaan Dhaqaajiyey waxaan bilownay ANiga Iyo Filsan Adeer ked in aan is Wareysano&n bsp; isna Barano Anaa hadalkii bilaabay Madaama gaarigaygii Lasaaran yahay una Badan tahay in aniga Mar ti La ii yahay waxaan iri Ader Horta Magaaca Aniga Cumar Cabdi AYaa La Idhahaaye haa Adeer Maacaygu waa C. Qaadir anaa Hadal kii qaatay Wey diiyeyna Gabadhaan magabadhadaa ADeer Waa gabadhayda oo Adeer keed Aabaheed La Dhashay Ayaan Ahay Magaceeduna waa Filsan ..

is rasho is Baridin is Bogaadin isi Soo dhaweyn Kadib Waxii aan Soconaba waxa Aan ku nimid Isbaaro Jagboynti Ama Meel Lacag baada Looga qado baabuurta hadba sidaa Utaqaaniin Jooji gaariga Ayuu Ahaa hadalkii uhoreeyey ee Wiil joogay is baarada waayahay Ayaan iri Waxa Aan jopojiyey Garigii Filsan ayaa ilmaduba Soo Dhaaftay Laa kiin Adeer keed oo xogaa Yara Dhaamay Ayaa yiri Adeer Dhibaato malaha xogaa Lcaga ayey rabaan waana lasinaa ee Ha wal walin Filsan Ayaa Tiri Adeer imis Kun oo Doolar Ayey Ku Shaqeyaan Adeekeed Ayaa mudo halsaaca Qos laayey oo yiri maya Adeer Dhawr kun oo Somaaliya Ayey rabaan waana lasinaa maya Adeer hana daayeene orodoo Si Dhawr kun oo Doolar ayey ku Dhawaaqday filsan..

Anigii Ayaa Waxa aan layaabay Lacagta ay Sheegayso Filsan Waxa aan Naftaydii Weydiiyey Gabadhaan lacag badanaa Ma dal Bay Katalin jirtay in taas Kadib Waxaa daqada gaariga Soo is taagay Wiil dhalinyaraa oo aan daddiisaa Ku Qiyaasay 22 jir k ana mid ahaa Qolada is baarada waxa uu yiri " war yaa Darawal isii Lacag Mase ooda Ayaan Kaga Qadaa xabad anoonan Jawaabin waxa hada shay filsan oo tiri Alla Alla Alla Maya Maya Maya Hana gu furin Xabada ee Wax walba oo aad rabto Sheeego. Intaas kadib Waxaa Banaan Ka Yiomid hungurigii Yar ka ama Wiilka Waxa uu layaabay kalamada ah wax walba oo aad rabto Sheego mar kaas Ayuu inta gaarigii Soo galay Filsan soo ag is taagay filsan Ayaa Furtay Boorso AY wadatay kasoo bixisay 3000 oo doolara mar kaas Ayey tiri Walaal Hoo qaado Nagala qaad birta Aan baxnee.. Wiilkii garigu Dhawr buu lanoqday Cir ku waa Lasocday Dhulkuna waa uu dhaqaaqay Waxa uu yiri Yah yaah yaah yaah Ma Lacag taan Ayaan Qataa is baaro danbe ma laygu Ar kaayo wan Baxaa waan Dhofaa wiilkii oo marba Hadal kasoo fakanaayo Ayaa waxaa Hadaladiisa maq lay kaabihi i AMa Atoorihii ama Madaxii isbaarada oo yiri War yaaya Dhalinyaro Wiilkaas Qaylinaaya Lacagta iiga Keena Hadii uusan Lacag Hayna isoo miigeeya isaga iyo rakaabkaba.

Waxaa uyimid Sedex Dhalinyaraa oo lasoo diray Waryaa Sicid Maad Keen tid Lacagta Mase Xabadaan kugu Shabaax naa Mar kaas Ayuu inta Naxay oo Lacagtii Jeebka gastay yiri haa Wara yaaya Lacag Mahayaan dad kaan ee Nagadaaya ha is kabaxeene Mar kaas Aya Layiri Yaah Yaah Yaah Mabilowday M qarsatay Shekadaadii hore AYaa Soo Celisay miyaa Nokaadi Waxyar Aan kasoo amar qadanee Madaxeena Dhalinyaradi AYaa Utagay Kabihii isbaarada Mar kaas Ayey U Shegeen In uu yiri lacag mahayo dad kaana Sidaaya kaabihii ayaa xanaaqay oo yiri Ma Anuu jil jileec ii keenay Qabad siiya Baas isaga Iyo Rakaabka Mesha taganba Dhalinyaradi Ayaa baas oo da kasoo qaaday bas kas oo In tii Badnayd Alle Dhinac naga Marshay Laakin mar kii danbea yaa laba xabadood waxa ay ku kala Dhaceen Filsan Adeer keed IYo Wiil kii Isbaarada Joogay ee mar kaas lacagta dolar kaa Rabay in uu qaato In taas kadib Aniga Ayaa si hal haleela waxaan ugutagay madaxxii is baarada Anoo siiyey 100 Kun oo Shilin Somaali Ah.

Is La Mar kiiba waxaan hal hgaleel u galay Gaarigii waxaana hal haleel uka xeeyey gaarigii Waxaan &nbs p; si Dag Daga Ku tagey is bitaal ka lagu Magacaabo Ali Hassan Hospital oo kuyaala Gudaha Muqdisho Gaar Ahaam Aga gaarka warshadii Horte ee baastada waxaa mar kiiba Qaliin lagu sameeyey Adeer C.Qaadir iyo inan Kii is baarada oo asna Dhaawac ahaa Aana Soo Qaday mar kii aan kanxnay ANiga Iyo Filsan .. Adeer C.qaadir waa Dhaawac ANiga waan Shioog sanahay Wiilki isbaaradana waaba Garaab Laakiin Su Aashu waxa Ay tahay Filsan xaalkeedu waa See Filsan xaalkeeda Ayaa U Dhaxeeya Nolol iyo Geeri Hadalkii wa Ay gabtay Filsan Filswan Xataa Hadi aan lahadlo maba Jawaabayso waayo waa Ay Shoogtayn Waxa Ayna Haysataa Gacantayda Midig iyadoo Aan Meel kale is ku aminayn.

Qalidaan Qaatayb Mudo 50 Daqiiqaa Kadib Waxaa banaan ka So istaagay Dhakhtarkii Qaliinka Sameeyey Waxaan Weydiiyey xaalka Odayga iyo wiilka waxa uu iigu Jawaabay Nin Ka Weyn oo ladan yahay Xabaduna Hilbka Ayey Dhexmartay laakiin Laf Majabin waxa uu ion taas Sii raac Shay In uu wiilka feeri jaban tahay Aadna uliito Aadna U Dhiig baxay uuna Ubaahan yahay Dhiig in si dag daga loogu Shubo Dadaal Dheer oo aan gqalay Kadib waxa Aan Helay Dhigii uu Dhakhtarku ii diray anoona Dhiigaga qaar lacag uga Baxshay qaarna Ay ushubeen Dhalin yaro Somaaliyeed...

Waa Socotaa.......

Qaybta Labaad Halkan Rix

Jacayl dhiig ma lagu qoray
Weli dhuux ma loo shubay
Qofna saanta dhabarkiyo
Couples
Ma u dheegey feedhaha
Dhabanada cad laga jaray
Hadalkii ma lagu dhigay
Xinjir aan is dhalan rogin
Midabkeedu dhiin yahay
Laga dhuray halbowlaha
Weli dhiil ma lagu shubay
Laba mays dhansiiyeen
Sida dhayda xoolaha
Dhag dhag maw wadaageen

Weli laba is dhaarsaday
Beryo dhacan nasiib iyo
Dhul ku kala cillaalaa
Subax dharabku kowsadey
Dhedaduna cuddoon tahay
Cidla aan dhir mooyee
Wax dhaqaaqayaa jirin
Jabaq maysku dhaadeen.

Kulankii dhabta ahaa
Riyo dhiifi keentiyo
Dhalanteed ma moodeen
Sida ay dhadhabayaan
Dhawr jeer ma seleleen
Af dhabaan dhab jamashada
Ma ka dhoofay hadalkiii
Bal dhaqaaq na kay tahay
Dhihidii ma waayeen
Ma ka dhabaqday xaajadu

Ilma dhalatay xiisuhu
Sida dhibic ma hiigaan
Ma ka qubatay dhaayaha
Ma ku qoyey dharkoodii
Naxariis ma dhidideen
Iyagoo dhanqalankii
Dheel dheelli mooyee
Dhegna aanay kaga jirin
Kolba erey dhex roorkiyo
Dhumucdii ka maqantahay
Dhitinaaye keligii
Ka dib tooban dharaarood
Carrabkiyo dhanxanagii
Dhirindhirid ma ku heleen

Laba guul u dhalatoo
Isu dhiganta weeyee
Dabadeed dhabeeshii
Hanadkii ku dheeraa
Dhudi mays bariidsheen
Dhubbad qaadka sheekada
Qofba dhagarta caashaqa
Wixii dhaaxo soo maray
Ma dhex galay kalkiisii
Ma akhriyey dhambaalkii
Warka maysu dhiibeen.

Kalgacayl dhito ahaa
Dhamac iyo dab huriyeen
Dhuxuliyo ladh soo kacay
Hadba dhoon ma buuxsheen
Kolba dhacan ma jiideen
Dhacdadiyo u jeedada
Qofba dhaadashada guud
Qofka kale dhankiisii
Inaan looga soo dhicin
Ma ku dhaabadeeyeen
Sannad mays dhegeysteen

Ma dhalaalay waagii
Dhag ma tidhi cadceedii
Intay soo dhaqaaqeen
Iyagoon ka dheeraan
Dhaqankiyo xishoodkii
Dhaymana u jeel qaba
Iyadoo dhexdoodii
Dhulka suxul banana yahay
Dhibta maysla taageen
Wax intaa ka sii dhow
Ma ku dhiiran waayeen
Dhayal laysu taabtiyo
Dhallinyaro habkeedii
Ma ka dhega adaygeen
Dhadhansiga miliilica
Isha mayska dhawreen

Dhabbaday is taageen
Qofba dhaabaddiisii
Sara joog dhankiisii
Kun habeen ma dherernaa

Dhudhummada aboorkii
Dhulka hoose kaga baxay
Dhilashada jidhkoodii
Ma dhanbalay sartii guud
Ma dhammeeyey hilibkii
Xidididada ma dhaawacay
Ma u dhaafay seedaha
Lafta hoose maw dhacay

Dhiilluu ku geliyaa
Ama waad dhalliishaa
Dhagartiyo wedkaagee
Dhimashada kal iyo laab
Ma ku soo dhaweeyeen
Dhoollaha ma ka qosleen

Ubax dheelka subaxdii
Naxariis ku dhaashtoo
Afka dhiin cas mariyoo
Dhaddigiyo labkisii
Laba dhude isugu maran
Ma is dhaafsadeenoo
Dhaxal maysu siiyeen
Dhuuni kawlka caashaqa
Maysu sii dhadhamiyeen
Ereygii dhinaa hadal
Dhegta maysu saareen

Dhafan dhaaf aboorkii
Ma dhufsaday cammuudii
Ma u qaatay dhoobada
Dhab-dhabkiyo kabkabidii
Labadaba ma dhalan rogey
Dhismo kale ma soo baxay
Ma ka dhigay wax yaabliyo
Dudun dherer ku caanoo
Dhumuc iyo laxaad weyn

Dhalan dhoolka maantii
Dadku dhacarta jiilaal
Ma dhasaday dharaartii
Ma ka dheelmay galabtii
Iyadoon la dhaadayn
Sheekada dhabteediyo
Dhabar weyntan hooska leh
In dhexdeeda laba ruux
Runta kaga dhur sugayaan

Haddaan laysu dhamanayn
Nafta laysu dhiibayn
Ama dhaxal tis qaadiyo
Dhismo aqal la taagiyo
Ubad iyo dhaqaaliyo
Dhaqan reer la kala sugin
Dhunkashiyo u jeedadu
Tahay dhaayo guudkood
Waabay la dhabaqsado
Dhereg iyo markaas qudha
Ama sida dhurwaayada
Hilbo gabadh dheg roonoo
Higlo loogu dhuuntoo
Dhakhso loogu kala baxo

Ninba waxa dhabbacashada
Dabinkiisa ugu dhaca
Dhidar iyo xabaashii
Sharaf lagu dhabcaaliyo
Dhawrsooni laga tegey
Dhalanteedka beenta ah
Bulshadaa u dhaawacan

Hab jacayl u dhaqan galo
Ma holladay ka ugu dheer
Maamuusna ugu dhow
Mise weli wax baa dhiman


 


Pin_Me_Onto_Your_Heart...
qiso jacaayla

Waa Maxay jacayl Mase loo Dhintaa????!!!!! jaceyl

Jacaylku waa shay qaali ah kaas oo ku lamaansan  jiritaanka Nolosheena, jacaylku  anagaa u baahan asaga Nooma Baahna Jacaylka erayga la dhoho asal ahaan  Ahaan  bal aan fiirino erayada uu ka soo jeedo iyo saamaynta uu ku leeyahay  nolosha aadamiga  iyo waxa laga soo gaabiyay                                                              

 

 L lack of pleasure

O ocean of sad

V vellay of deeth

E end the live

 

Hadaba erayadaas waxaa laga soo gaabiyay kalmada inglish ka ah oo Micneheedu yahya jacayl lagana soo gaabiyay erayadaas oo Micnohoodu yahay farax la,aan, bada murugada, Dooxada Quruntay, Dhamaadka nolosha  isla markaana waad dareemi kartaa Saamaynta uu ku leeyahay nolosha bilaw - aadanka hadaba kalmada love oo micneheedu yahay jacayl aan fiirino Dhanka Soomaliga waxay la mid tahay iyo waxa laga soo gaabiyay kalmada jacayl

 

J jawhar

A amakaag

C calaacal

E  enfariir

Y yaab

L luul

 

Hadaba akhriste waad aragtaa qiimaha uu leeyahay jacaylku marba Haduu yahay   jawhar marna waad aragtaa dhibaatooyinkiisa marba Haduu yahay   amakaag, calaacal. yaab, iyo luul  akhrista hada ka Hor ayaa la is weydiiyay waxa uu yahay jacayl waxaana ka Jawaabay fanaan oo yiri WAA MAXAY JACAYL??? waa macaan Ama waa qaraar hadba waa siduu kuu soo maree  marka jacaylha Waa run hadba waa siduu kuu soo maro qofka mar waxaa laga Yaabaa In laga waraabinayo labo dhan taas macnaheedu waxaa Weeye Labada qofba ay wada dareemaan jacaylka markaas waa Macaan marka uu  qaraarka noqonayana waxaa weeye marka laga Waraabinayo hal dhinac ha ahaado dhanka  ninka ama haweenta

Jacaylka waxa uu leeyahay Aabe, Hooyo, Walal, Dad uu jecelyahya, Dad uu necebyahay,  Waxyaabo ay wada socdaan, Meel uu Kayimaado, Meel uu dago,Waxyaabo uu Jecelyahay, Waxyaabo uu Necebyahay, bal hadaba  aan eegno Waxyaabahaan soo sheegnay Sida ay suura gal u yihiin

Aabihiis -Nasiib

Hooyadiis -calaf

Walaalihiis -dadaal

Dad uu jecelyahay - Ruuxa daacada ah

Dad uu necebyahay - ruuxa aan daacada ahayn

Waxyaabo ay wada socdaan -dookha

Meel uu kayimaado - Dareen uu qofku wax dareemo

Meel uu dago - qalbiga            

Waxay wada socdaan -- Dookha

 Hadaba jacaylaka haduu yahay saas miyuusan la mid ahayn ruuxa Insaankaa oo kale??? Jawaabtu waa haah waayo intaasba bilaw Aadanka waa leeyahay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! 

Jacaylku waligiis waa jiray waxaana nahay mataano waxaana ku Kulanaa nolosha, jacaylkU asagaa Nooma baahna ee anagaa Ubaahan,   Jacaylka waa wax soo jireen ah ilaa iyo abuurkii xaawo Iyo aadan, Jacaylka kamaan maarano asagana Nagama maarmo  

Jacaylka waa cudur dawadiisuna waa qofka aad jeclaatay oo kugu garab istaaga beerana geed laga waraabiyo labada Dhan

 waxaa jira dad fara badan oo u dhintay jacayla dadkaas oo ahaa qoomiyado kala gadisan waayo jacaylku mayaqaan da,waqti, madaw iyo cadaan.jinsi midna (waa lax dhukan abaar moog)

dadkaas waxaa kamid ahaa

 

Laylo

Qays

Cilmi

Hodan

Juuliya

romi

Grendiano

 

Iyo waliba dad kaloo aad u fara badan oo aanaan halkaan ku soo koobi karin hadaba mucaashqiintaas geeriyootay waxaa hadaladoodii  ka mid ahaa JUULI - ( do you keep aware that i abamdone eating, sleeping, relaxing, for sake of your Adore)

ROOMI  - ( my love for you has grown deeper and deeper) (my love for you is like ashadow wich never leaves it,s owner

CILMI -Aniguba qadraan soo arkiyo qaararkii hodane in aan eebahay idin qaribin qariya laabtiina  anigoon xabaal la igu hamsiin waanan ka harayne haday hawl yaraan idin latahay aniga waa hooge

 maqaalkaan kumaan soo koobi karo hadaladoodii ugu danbeeyay kuwaas oo aad ka turjuman karto saamaynta uu ku reebay jacaylku

                        Farqiga U Dhaxeeya Mucaashiqiintii Danbe Iyo Kuwa Hada  Jooga

Dadka jacaylkii waxa  ay ka fahmeen qalad waxaana loo turjuntay si aan macquul ahayn kana mamnuucan xaquuqda jacaylka waayo dadka haatan jooga waxay u isticmaalaan jacaylka hab qaldan sida qurux,lacag.qabyaalad,dano gaar ah   ilaa dadkii aamineen jacaylku inuu yahay dan gaar ah oo uu yahay Dhalanteed kuwaasna waa Cadawga jacaylka jacaylku waa dahab aan la gadan karin taas waxaa kuu cadaynaysa Nacayb waa la iibsan karaa lakiin jacayl lama  iibsan karo

Jcaylka waxa uu leeyahay astaamo lagu garto waxaana ka mid ah

Dhidid

Cuqdad

fakar xad dhaaf ah

Boholyaw

Mashquul fara badan

Qofka oo dhibsada hadalka

U hamuun qabid araga qofkaad jeclayd

Tarsaas magaca qofkaad jeclayd

Cunada oo kaa xiranta

Danaynta qof kaaga warama arimaha jacaylka ama xaaladaad ku sugantahay  iyo in aad jeclaato buugta iwm ka sheekaysa qisooyinka jacaylka

 Riyo iyo qaraw

aniga  gaar ahaan jacaylka  maan aaminsanayn balse markuu igu dhacay ayaan waxaan ogaaday in uu jiro fadlan hadaadan jacayl waxba ka aqoon ha dhihin ma jiro iyo looma dhinto  hadalkayga aan ku soo  afmeerayo maqaalkaan aadka u xiisaha badan waxaa weeye

Red is red-red is blood -blood is heart -heart is love -love is life

Guduudku waa guduud guduudku waa dhiig dhiigu waa wadne wadnuhu waa jacayl -jacaylku waa nolol

 

waxaan umahad celinyaa marka labaad iilaahay i waafajiyay in aan idiin soo gudbiyo dhambaalkaan qiimaha mudan

waxaan u mahad naqayaa akhristayaasha dhambaalkaan

 

           Xasuusin

Qaybtaan qaybta ku xigta waxaan uga hadli doonaa insha-allah waxyaabaha keena jacaylka iyo waxa looga guul gaaro iyo waliba dareenka raga iyo dumarka ee ku aadan jacaylka

           Afeef

Waxaan ka  afeefanayaa wixii qalad ah uu ku yimaada akhristayaasha in ay ka raali ahaadaan waayo magafe waa alle insaana waa gafe  wabilaahi TAWFIIQ

 

www.myfriend.com