Afar Nin oo Walaalo ah
far
nin baa walaalo ahaa. Nin wuxuu ahaa Caalin. Ninna Geesi. Ninna wuxuu ahaa Deeqsi. Ninna Abwaan. Afartii nin ayaa isaga horyimid
talada reerka, qofka looga dambeynayo.
Caalinkii baa
yiri: "Talada ha la ii daayo, maxaa yeelay idinku caamo ayaad tihiin; qof caama ahna waa uu indhala’yahay. Anigana diinta
ayaan aqaan. Sidaa darteed, waa in aniga la ii daayaa talada reerka."
Geesigii ayaa
kacay, wuxuu yiri: "Nimanyahow waad ogtihiin in aan ahay geesi. Nin alla iyo ninkii soo duula warankaas ayaan ka dusinayaa,
haddii aan aniga layga cabsanayn waa hore ayaa la idin dhici lahaa oo laydin layn lahaa. Marka, maadaama aan ahay ninkii idin
difaacayay waa in aniga talada la ii daayaa."
Deeqsigii baa
soo booday oo yiri: "Aniga deeqsi la yaqaan baan ahay. Waxaad ku dhaqantihiin oo la idinku tixgeliyaa waa aniga gacantayda,
iyada ayaa ragga idinka jeedisa, xirsixir idiin ah, la’aanteedna dad ayaa hunguri ama il idinku dili lahaa, kolkaa waa
in aniga la ii daayaa talada."
Abwaankii oo
u dambeeyay ayaa yiri: "Nimanyahow i dhegaysta saddexdiinna waxaad tihiin saddex loo baahan yahay, midkiinna lagama maarmo.
Saddexdiinna midba meel gaar ah ayuu wax ka qaban karaa, baahida reerka ma wada dabooli karo; Wadaadow, adiga hanuuniye ayaad
tahay! Geesiyow, adiga difaace ayaad tahay! Deeqsiyow, soore ayaad tahay! Aniguse dhammaantiin ayaan ahay, ninka isu kiin
wadaa aniga weeye. Cilmi waa caqli la ururshay. Geesinnimana waa ay noocyo badan tahay, dagaal keliya ma aha. Deeqina aqoon
ayay u baahan tahay, anigaa ka bixi kara hawshaa talada ah ee ha la ii daayo."
Afartii nin waa
ay heshiin waayeen. Markaas ayay doonteen cid kala saarta. Waxay u tageen dad degmo ku nool. Degmadii ayaa tiri: "Waxaa meeshatan
ku nool libaax afaran, habeen walba qof baa loo xiraa, ee awal degmadaa habeenba qof u xiri jirtay. Bal caawa haddii Eebbe
idin keenay, horta nin iska soo saara oo loo xiro libaaxyada." Hadalkii oo la hayo ayaa waxaa soo baxay raxantii libaaxyada
ahayd. Dadkii degmada way kala yaaceen. Afartii nin ayaa isu soo haray.
Abwaankii ayaa
yiri: "Caalinow, diin innooga akhri!"
Wadaadkii ayaa
yiri: "Alamtaruu leeyahayoo, soo dhaaf."
"War Geesi!"
ayuu Abwaankii yiri.
Geesigii ayaa
yiri: "Hub ma haysto."
"War deeqsi!"
ayuu Abwaankii yiri.
"Ruuxaygaa gaajaysan."
Markaas ayuu
Abwaankii yiri: "Sow ma aydaan wada diidin bal igu eega aniga."
Libaaxyadii buu
Abwaankii ku jeestay oo yiri: "War waa afartiinna libaax, annagu nin waydiin soo saaraynnaa, ninkaasi cad la yiraahdo `jowrad´
oo cimriga dheereeya ayaa ku jira, bal idinka kan cadkaa cuni lahaa soo saara!"
Gooshii ayaa
tiri: "Waa aniga."
Aarkii baa dharbaaxo
ku qaaday oo dheg iyo daan jebshay, markaas ayay dirireen.
Ka dib baranbarqadii
yareyd ayaa tiri: "Aniga ayaa cunaya."
Markaasaa yarkii
lab dharbaaxo qaaday oo dheg iyo dhaban jebshay oo dirireen.
Markii ay is
qabsadeen afartii libaax ayuu Abwaankii ku yiri dadkii: "Inta ay qaybsan yihiin oo ay is hayaan geesaha kala gala warmo oo
dila."
Dadkii ayaa warmo
la dhacay oo dilay raxantii libaaxyada ahayd.
Markaa ayaa degmadii,
ay u yimaadeen in lagu kala saaro, tiri: "Kiinee qabtay shaqadaan wanaagsan." Waxay yiraahdeen Abwaanka.
Markaas ayaa
lagu yiri: "Abwaanow, lagu boqor dunidana adigu u tali!"